Ciidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Oo Soo Qabtay Shixnada Khamri Ah oo Lagu Soo Dhex Qariyay Jawaannada Qaadka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Ciidamadda Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qabtay Shixnada Khamri ah oo si qarsoodi ah dalka lagu soo gelinaayay, iyadoo lagu soo dhex qariyay jawaannada qaadka ee ka yimaadda Itoobiya.

Taliyaha Ciidamadda Booliska JSl Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la dhaawacayo damiirka iyo qiyamaka bulshadda Somaliland, iyadoo maandooriye kala duwan lagu faafinayo deegaanno farabadan oo dalkoo dhan ah. Taliyuhu waxa uu sheegay Ciidamadda Booliska JSl ay talaabo adag ka qaadi doonaan dadka arrimahaasi ku hawlan, xeelad kasta oo ay isticmaalaana ay shariciga horkeeni doonaan.

Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabogale) oo arrintaasi ka hadlaaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii.