Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo la wareegay Deegaanka Mooro-gaabeey

Xudur – (warsoor) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay deegaanka Mooro gaabeey oo qiyaastii 30 KM u jirta degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, iyagoo ku sii siqaya deegaanno hor leh.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS oo gacan ku helaya kuwa maamulka Koofur galbeed ayaa si nabad gelyo ah kula wareegay deegaanka Mooro gaabeey kaddib howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Shabaab oo ay halkaasi ka fuliyeen.

Jeneraal Xasan Baydhabo oo Ciidamadaasi hogaaminayay ayaa SONNA u sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaasi, isagoo xaqiijiyay in Ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Mooro-gaabeey oo istiraatiiji u ah howlgallada Ciidamada XDS ay ku baacsanayaan firxadka Maleeshiyaadka Shabaab.

Jeneraal Xasan Baydhabo ayaa tilmaamay in ciidamadu ay dileen labo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Shabaab, kuwaa soo sahan ahaa islamarkaana watay labo mooto oo nooca dhug dhugleyda ah, wuxuuna xusay in ay ka qaateen hubki iyo Mootooyinki ay isticmaalayeen Maleeshiyaadkaasi.

Jeneraalka ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada XDS ay isku filan yihiin marka la eego howlgalada ay ka fulinayaan deeganadaasi, ayna ka maarmi karaan gacan ay ka helaan kuwa AMISOM.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.