Ciidamada Xasilinta oo degmada Deyniile oo rasaas ay kala kulmeen kooxo hubaysan

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada isku dhafka ah ee Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku guda jira howlgalo qeyb ka ah sugidda amniga magaalada ayaa la kulmay kooxo hubaysan oo rasaas kala hor yimid ciidamadaasi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid markii Ciidamada Xasilinta ay howlgalo ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Haanta-Dheer,halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamo hubaysan oo ciidamadaasi isku dhaceen lamana xaqiijin karo khasaaraha ilaa iyo haatan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheen Maxamed Xasan Cali oo la socoda Ciidamada Xasailinta,Howlgalka ayaa bilowday gelinkii dambe ee xalay, welina waa  uu socdaa,iyadoo haatan la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Qaar kamid ah qoysakii degnaa nawaaxiga Deegaanka Haant-Dheer ee Degmada Deyniile, oo barakacayaal u badan ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga cararaan,si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.