Ciidamada Suudaan oo shaqada ka caydhiyay Lix Safiir

SUUDAAN – (WARSOOR) – Militariga Suudaan ee haya talada dalkaasi ayaa shaqada ka ceyriyay lix safiir, waxaana ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah dibadbaxayaasha dimuqraadiyad doonka ah, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah afgambiga toddobaadkan.

Go’aankan oo gelinkii dambe ee khamiista lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, ayaa waxaa ka mid ahaa safiirrada Suudaan u fadhiya Mareykanka, Midowga Yurub, Shiinaha, Qatar, Faransiiska iyo madaxa ergada dalkaas u jooga magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo sida muuqata ay ku gacan seyreen la wareegidda milateriga.

Waxay ku soo beegantay iyadoo ay isa soo tarayaan dalabaadka ku saabsan in ciidamadu ay dib uga laabtaan afgambigii isniintii ee meesha ka saaray kala-guurka jilicsan ee Suudaan ee dhanka dimuqraadiyadda ka dib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir bishii Abriil 2019 kacdoon dadweyne.

Dhowr safaaradood oo reer galbeedku ku leeyihiin Khartoum ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan inay u aqoonsadaan ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray Abdalla Hamdok iyo golahiisa wasiirada inay yihiin “hogaamiyayaasha dastuuriga ah ee dowladda ku meel gaarka ah” ee Suudaan.

Arbacadii, Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay go’aankooda ku aaddan in Suudaan ay ka joojiyaan dhaqdhaqaaqyada ururka ilaa dib loo soo celinayo dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee ay shacabku hoggaaminayeen, halka Maraykanku uu hakiyay $700m oo gargaar degdeg ah iyo Bangiga Word uu joojiyay gargaarkii.