Ciidamada Somaliland Iyo Kaalinta Dhalinyarada..W/Q Garyaqaan Abdi Ladiif Mahamoud Hersi (Ludfi)

Tan iyo markii u xisbiga kulmiye talada u qabtay Jamahuuriyada barakaysan ee Somaliland waxa u horumar gaadhsiiyay Ciidamada kala duwan ee dalka.

Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Ahmed Mahamed Mahamoud Silaanyo  iyo Cabinet Kiisa waxay awooda saartay sidii ay u dhisi lahayd ciidan tayo leh oo ay u kobcin lahyd aqoontooda shakhsi ahaneed iyo tii shaqoba, iyadoo tababaro iyo cilmi korodhsi joogto ah u fidisay dhamaan ciidanka dalka.

Waxa xusid mudan Ciidanka immigration-ka oo ah ciidanka ugu shaqada badan Dalka  waxa hogaamiya u badan shaqaalihisa dhalinyaro aaminay dalkooda oo Aaminsana in qof waliba dalkisa wax ku yahay waxana mahadin mudan Taliyahooda siiyay fursada ah inay kartidooda mujiiyaan.

Ciidanka asluubta oo ah ciidan u qaabilsan maxaabista oo manta ay dhalinyaro aqoonyahano ah ay hormood u yihiin oo mansabyo aad u fiican u haya taas oo sababtay in xaalada maxaabista iyo jeelasha dalka xaaladoodu lagu mahadiyo  ,waanu ku mahadsanyahay taliyaha asluubta talaabadaas u qaaday.

Taliyayaasha Ciidmadu waa inay ku dhiiradaan oo ay hawlgaliyaan dhalinyarada ayna dhisaan dhalinyaradi bedeli lahayd si ay role model wanaagsan u noqdaan iyagoon ku salaynayn Qabiil iyo garasho ee ay ku saleeyaan heerka aqoonta iyo kartidooda.

Intii ay xukumadani talada haysay guushi ugu muhimsanayd ee ay gaadhay waxa ay ahayd darajo bixinta ciidamada kala duwan ee jamhuuriyada Somaliland,waxa nafta farxada galinya markay indhahaagu qabtaan dhalinyaro metelaya ciidamada kala duwan ee dalka hormoodna ka ah shaqooyinka qaranka loo hayo,dhalinyaro darajo xidhan oo ku farxsan inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan oo ay hadh iyo habeen heegan u ahaadaan si ay cadawga uga ilaaliyaan.

Sanadadi ugu danbaysay waxa soo siyaaday dhalinayaradi is qoraysay ciidamada iyagoo ku han wayn una haya niyad ay horumar kaga gaadhi karaan himilooyinka ah inay maalin uun gaadhi karaan mansabka ugu Sareeya ee dalka sababta oo ah waxay ay iska dhex arkeen haykalka dawladnimo ee Dawladan.

Dawladu waa in ay sii wado dhiirigalinta dhalinyarada waana in ay ka qayb qaatan horumarka dalka ayna fursadna u siiyaan inay soo bandhigaan Kartidooda iyo inay aqoontooda qaranka wax ugu qabtaan.

Alla Mahad leh

Garyaqaan Abdi Ladiif Mahamoud Hersi (Ludfi)

ludfinho@yahoo.com

Telephone: +252634001177

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.