Ciidamada Ruushka oo xoojiyay dagaalada ay ka wadaan Ukraine

YUKRAYN – (WARSOOR) – Machadka daraasaadka dagaalka ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay u badan tahay inay gacanta ku hayaan dhammaan deegaanada ay ka kooban tahay magaalada Rubizhne.

Mac-hadka ayaa inyaa raaciyay in maalmaha soo socda ay u badan tahay in ciidamada ay duulaan xagga dhulka ah ku qaadaan Severodonetsk.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho Putin, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in Ukraine aysan waligeed u aqoonsan doonin Crimea qayb ka mid ah Ruushka.

Dhinaca kale,Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay waxyeello u geysteen markab kuwa saadka ah oo ay leeyihiin  ciidamada badda ee Ruushka,kaas  oo marayay badda madow ee u dhow Jasiiradda Snake.

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar lagu baarayo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay ciidamada Ruushka ka geysteen qeybo ka mid ah Ukraine.

In ka badan lix milyan oo qaxooti ah ayaa ka qaxay Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushkaay ku qaadeen dalka Ukraine.