Ciidamada NISA oo toogtay dhamaan ragii weerarka soo qaaday, si rasmi ahna usoo afjaray howlgalka

Muqdisho – (warsoor)-Saraakiisha NISA ayaa xaqiijiyey in ay toogteen sadex katirsan maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ahaa ragii gudaha u galay Hotelka Ambassator.

Ciidanka ayaa toogtay sadexdaasi maleeshiyaad oo ilaa iyo xalay ka dagaalamayey gudaha Hotelka, hase ahaatee iminka howlgalka si rasmi ah ayaa loo soo gaba gabeeyey oo ciidamadu waxa ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga sida saraakiisha NISA ay u sheegeen SONNA.

Waxaa goobta gaaray oo iminka kormeer ku sameynaya qasaaraha dhashay taliyaha ciidamada Nabada-Sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Generaal CabdiRaxmaan Tuuryare iyo masuuliyiin kale.

Waxaa la filayaa in goor dhow si rasmi ah ay u faah faahiyaan masuuliyiintaasi sida ay wax u dhaceen iyo qasaaraha ilaa iyo iminka weerarka ka dhashay.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.