Ciidamada Mareykanka oo lagu amray inay qaataan tallaalka COVID-19

WASHINGTIN – (WARSOOR) – Ciidamada Mareykanka ayaa lagu amray inay si dhakhso ah u qaataan tallaalka COVID-19, sida lagu sheegay qoraal uu Arbacadii soo saaray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin, waxaana amarkan yimid laba maalmood kadib markii hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee FDA ay oggolaasho buuxa siiyay tallaalka Pfizer.

Oggolaashaha buuxa ee tallaalka Pfizer ayaa wadada u furaya in inka badan 800,000 oo ka tirsan ciidmada Mareykanka ay is tallaalaan.

Inkasta oo go’aankani aanu tilmaamin xilliga la dhamaystirayo tallaalka ciidanka, haddan laamaha milaterigu ay si joogto ah u bixin doona warbixin ku saabsan qaadashada tallaalka ee ciidanka Mareykanka.

“Si aan u difaacno Qarankan, waxaan u baahanahay ciidan caafimaad qaba oo diyaarsan,” ayuu Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ku yiri qoraalka uu soo saaray, isagoo sii raaciyay “Kadib markii aan si taxadar leh ula tashaday khubaro caafimaad iyo hoggaanka militariga, iyo taageerada Madaxweynaha, waxaan go’aamiyay in qaadashada tallaalkan cudurka COVID-19 ay tahay khasab.”

Milatariga Mareykanka ayaa bixinta tallaalkan u maamuli doona ciidamada ku sugan Mareykanka iyo adduunka oo dhan, iyadoo xubnaha ciidankuna ay sidoo kale dooran karaan halka ay doorbidaan inay iska tallaalaan.

XIGASHO: VOA SOMALI