Ciidamada Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed oo Toogtay Hogaamiye Sare oo Al-shabaab ah

Diinsoor – (warsoor) – Hogaamiye Sare oo ka tirsan xarakadda Al-shabaab ayaa lagu khaarijiyey degmadda Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee SONNA.

Masuul ka tirsan dawladda Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamadda maamul-goboleedku ay ku guulaysteen inay khaarajiyaan Hogaamiye sare oo ka tirsan xarkaadda Al-shabaab oo ay sheegeen in ay in muddo ah ku daba-joogeen dhaqdhaqaaqyaddiisa.

Maxamed Isxaaq oo ka tirsan maamulka Goboleedka Koonfur-galbeed ayaa ka warbixinaayey hogaamiyahan la dilay ee ka tirsan xarakadda Al-shabaab ayaa yidhi, “Horjoogaan waxaa uu kooxaha nabadiidka ah u qaabilsanaa dhinaca amniyaadka, ciidamada Koongfur-Galbeed ayaa ku dilay degmada Diinsoor, runtii wuxuu u ahaa iyaga nin muhiim ah”.

Al-Shabaab-Somali-IslamistMudooyinkan dambe waxaa la kordhiyey hawl-galadda ay waddaan ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya oo taageero dhinaca milatariga ah ka helaysa ciidamada Amisom iyo kuwo ka socda waddamada reer Galbeedka iyo Maraykanka. Hawl-galadda ayaa laayey hogaamiyayaan iyo naftoo-hurayaal ka tirsan xarakadda Al-shabaab kuwaasi oo ka dagaal kala soo horjeeda dalalka reer galbeedka iyo dawladdaha Soomaaliya ka tirsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.