Ciidamada Israel oo weeraro cusub ku qaaday Gaza

GAZA – (WARSOOR) – Ciidamada cirka Israel ayaa maanta weeraray laba goob oo ka tirsan Gaza, kadib markii shacabka degan Gaza iyo ciidanka Israel ee xuduudda ay isku dhaceen, sidoo kalena buufino soo qaaday walxo qarxa lagu weeraray koonfurta Israel, sida ay ciidanka sheegeen.

Weerarkan ayaa yimid ayada oo Masar iyo Israel ay qafiifiyeen xayiraadaha socdaal iyo ganacsi ee lagu soo rogay Gaza, halkaasi oo labada dal ay go’doomiyeen tan iyo markii ay Xamas qabsatay 2007.

“Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel ayaa weerartay dhismo militari oo Xamas ay u adeegsan jirtay soo saarista hubka iyo tababarada, sidoo kalena laga soo geli jiray marin dhulka hoostiisa mara oo yimaada Jabalia,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada Israel.

“Weerarada ayaa jawaab u ahaa buufino soo qaaday walxo qarxa oo Xamas ay kusoo weerartay dhulka Israel, iyo banaan-baxyo rabshado watay oo shalay dhacay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Illaa iyo hadda ma jiraan warbixino laga heli karo Gaza oo ku saabsan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarada Israel.

Dibad-baxyada shalay dhacay ayaa ciidamada Israel waxay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka aan qarxin ku weerareen shacab Falastiiniyiin ah oo gubayey taayaro, meel ku taalla xuduudda Gaza iyo Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 11 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dhaawacay isku dhacyada.

XIGASHO: VOA SOMALI