Ciidamada Dowladda oo howlgallo ku dilay Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Galgaduud – (warsoor) – Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegayo in ciidamada Militariga Soomaaliya ay jidka u galeen Maleyshiyaad ka tirsan nabad diidka Al-shabaab oo ku sii jeeday deegaanka Ceel Timir oo qiyaastii 15km u jira Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, oo ay doonayay in ay ka fuliyaan xasuuq shacab oo aad u baahsan.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Cabdi Xasan Biyo Quute oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen cutubyo ka tirsan xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa inta u dhexeyso deegaannada Ceel Timir iyo Galcad ee gobolka Galagaduud, waxa uuna xusay in ciidamada ay howlgalkooda ku qaarijiyeen 10 ka tirsan Maleyshiyada Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu sheegay Adkaar oo si weyn looga yaqaan deegaannada gobolka Galgaduud.

ciidamadda_Soomaaliya

“Ciidamada XDS waxa ay ku guuleysteen in ay ka fashiliyaan dhagarta nabad diid ka tirsan Al-shabaab oo rabay in ay dhibaateeyaan shacabka ku nool Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxa ayna Ciidama howlgal ay sameeyeen ku dileen 10 ka tirsan Al-shabaab oo watay laba gaari” ayuu yiri, Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Cabdi Xasan Biyo Quute.

Tallaabadaani ayaa qeyb ka ah howlgallo lagu ugaarsanaayo haraadiga nabad diidka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah Gobollada Dalka, si ay u wax yeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

W.D: ABDIHAKIIN

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.