Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Gacanta Ku Soo Dhigay Dad Fal dambiyeed Lagu Tuhunsaan

Muqdisho โ€“ (warsoor) – Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta gacanta ku dhigay laba nin oo la tuhunsan yahay in ay Xalay ku dileen degmada Yaaqshiid Marxuum Cabdilaahi Faray oo ka tirsnaa Ciidamada Ilaalada deegaanka ee Dowladda hoose ee Xamar.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi ayaa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la tuhunsanayaashaasi lagu soo qabtay howlgallo baaritaan ah oo ay Sameeyeen Ciidamada Booliiska ooย  kaashanaya heyadaha kale ammaanka qaabilsan.

Gaashaanle ย Sare Bishaar wuxuu intaasi raaciyay in Ciidamada Booliiska ay har iyo habeenba ay u soo jeedaan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka Muwaadinka Soomaaliyeed, wuxuuna Shacbiga ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada, si loo gaaro Nabadgalyo buuxda.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.