Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Magafayaal Badan

Hargeysa – (warsoor) – Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay hawl-gal ay ciidamadu sameeyeen oo lagu soo qabqabtay magafayaal tiro badan kuwaasi oo gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah iyagoo gacanta kula jira hawlo-tahriibinta dhalinyaradda ah.

sareeyo-guudo_fadalTaliyaha Ciidamada booliska Somaliland Sareeyo Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta Taliska Booliska Somaliland ayaa sheegay in hawl-gal ay ciidamada boolisku ka fuliyeen dalka ay gacanta ku soo dhigeen 22 magafayaal ah oo qaar ka mid ay xukuno ugu riday maxkamadda gobolka Hargeysa.

Taliyaha ayaa sidoo kale soo bandhigay sawiro badan oo dhalinyaro ah kuwaasi oo la doonaayey in lagu qorsheeyo hawlaha tahriibka ee magafayaashu ay ka bilaabaan magaalooyinka iyo halka ugu dambaysa ee doonida laga saaro dadka la tahriibiyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Sareeyo Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ciidamada Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro badan oo xaafadaha rabashaddo ka sameeya waxaanu waalidiinta caruurtaasi dhalay ku war-galiyey in haddii ay caruurtooda wax ka qaban waayaan in ay sharciga horkeeni doonaa.

Gaashaanle_Sare_Faysal_XiiseAfhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo qayb ka ahaa shirkan jaraa’id ee Taliska Ciidamada Boolisku qabteen ayaa ka waramay sida ay ciidamada Booliska Somaliland u sameeyeen hawl-galka gacantana ugu soo dhigeen magafayaasha iyo dhalinyaradda koox kooxda isku weerarta ee rabshadaha ka dhiga xaafadaha dhexdooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.