Ciidamada ammaanka oo soo afjaray weerarkii Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerarkii maanta barqadii lagu qaaday xarunta loo yaqaano Oto Oto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegeysa in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarka goor dhow oo duhurnimadii maanta aheyd.

Xaruntan ayaa lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo dabley hubeysan oo gaarayay saddex dagaalame ay gudaha u galeen.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay kaddib ay ciidamada amniga ku guuleysteen inay dilaan saddexda dagaalame oo gudaha u galay xarunta.

Ma jirto war rasmi ah oo ku aadan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay jiraan khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaartay askar, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada iyo dad kale oo wadada marayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kaasoo noqonaya weerarkii u horeeyay noociisa oo xarun dowladeed lagu qaado in muddo ah.

Xarunta la weeraray oo loo yaqaano Oto Oto waxaa deganaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Amniga Gudaha oo sanad ka hor loo soo raray, waxayna sidoo kale aheyd xarunta War la liska Booliska ee taleefanka loo yaqaano 888.

Waa goob aad loo ilaaliyo, waxaa ka ag dhowaa koontaroolka Isgoyska Sayidka oo laga sugo ammaanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

xigasho: jowhar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.