Ciidamada Amaanka ee Kenya oo Si Lama Filaana Baadhitaano Uga Bilaabay Xawaalada Soomaalida

Kenya – (warsoor) – Ciidamada Amaanka ee Kenya ayaa maanta si kedis ah baadhitaano uga bilaabay xawaalada Soomaalida ee ku yaala xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi.

Maasuuliyiinta Xaawaladda ayaa arintani ay ku noqoto la yaaba, waana markii ugu horeysay ee ciidamadda Amaanku ay si bilaa wargelin ah ku soo galaan xawaaladaha lacagaha ee Soomaalida ka ganacsata Kenya.

Ciidamada Amaanka oo ay weheliyaan saraakiil ka socday baanka dhexe ee Kenya ayaa gudaha u galay saaka aroornimadii xarumaha xawaladaha Soomaalida ee magaaladda Nairobi. Waxaana amar ku bixiyeen in aan ciddia ka bixi karin cidina soo galin karin inta ay socoto hawlaha baadhitaanada ee Baanku.

Baadhintaanku markii ay dhamaysteen waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta xaawaladaha waxaanay sheegeen in su’aalo laga weydiiyey qaabka ay u shaqeeyaan, dhokumentiyadda ay haystaan, iyo arimaha kale ee la xidhiidha shaqooyinkooda.

Masuuliyiinta xaawaaladaha ayaa beeniyey inay dawladda Kenya ay albaabada isugu dhuftay xawaaladaha Soomaalida ee ka hawl-gala Kenya, waxaanay sheegeen in hawshani ku eegtay uun baadhitaan kaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.