CAUmmadi Marka Ay Awooddeeda Aqoonsato Ayay Horumar Samayn Karta: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Bulsho marka aanay ku iimaan qabin waxa ay haysato (opportunities) ama aanay aqoonsanayn kartideeda xaaladda noloshooda waxba kama bedeli karaan, horumar la sheegi karana ma samayn karaan. Wax badan oo ay qabsan karaan waxay ka sugaan in ay cid kale u qabato.

Bulshada in badan oo ka mid ah waxay aamminsan yihiin dalka in aan horumar laga samayn karin ilaa citiraaf la helo waxaanayse ogayn horumarku in uu ku xidhan yahay dadaalka aad la timaaddo iyo sida ummaddu wax u qabsato, waxaanay ogayn in ay jiraan waddamo aan aqoonsi caalami ah haysan oo haddana ka horumarsan kuwo badan oo la aqoonsan yahay.

Bulshadeena qaybo kale waxay aamminsan yihiin in aynu barwaaqo sooran noqon doono marka badroolka iyo macdanaha dhulkeena ku duuggan la soo saaro.

Akhriste aan ku xasuusiyo in ay jiraan waddamo aan shidaal iyo macdano kale toona lahayn oo ka hodansan, kana horumarsan, kana nolol wanaagsan kuwo laga helo khayraad dabiici ah oo aad u fara badan, waxa ka mid ah Singapore, Taiwan, Dubai iyo qaar kale.

Bulshada qaybo kale waxay naawilaan ama ay sugaan deeqaha yar ee laga helo hay’addaha Caalamiga ah iyo ururada UN-ta ee dalka ka hawl gala. Waxay qabatimeen ama ay qabaan xanuunka loo yaqaanno ‘dependence Syn-drome’ 0o macnuhu yahay qofku ama bulshadu in ay aamminto in aanay noloshiisa maarayn karin haddii aanu helin taageerada cid kale.

Si kastaba ha ahaatee waxaan u malaynaya haddiii aynu is tijaabino oo aynu isku tashano in aynu wax badan qabsan kari lahayn.

Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Axmed Bin Sulayem mar sii horaysay oo uu ka hadlayay xaflad loo sameeyay dhismaha dekedda Berbera wuxuu yidhi: “We don’t have much resources but we have vision and believe,” macnuhu wuxuu yahay Imaaradda Dubai ma laha khayraad badan laakiin, waxaanu leenahay hammi iyo hiigsi, waxaanu rumaysan nahay in aanu samayn karno horumar cajiib ah iyo in aanu suurto gelin karno waxaan suurto gal ahayn waana sababaha keenay in aanu heerkaa gaadhno.

Lee Kuan Yew aasaasihii Singapore isaguna mar la waydiiyay sida ay ku gaadheen horumarkan mucjisada ah wuxuu si kooban ugu jawaabay hal eray oo ah isku kalsooni (confidence).

Muwaadin weedhahan maxaa kaaga baxay?

Somaliland waxa soo maray lix doorasho oo hore dhaqaalaha iyo farsamadaba waxa inaga caawin jiray Beesha Caalamka. Waxaynu aamminay in aynaan doorasho qaban karin iyaga la’aantood haseyeeshee markii Madaxweynaha JSL ku dhiirraday qabashada doorasho Somaliland leedahay waxay inagu baraarujisay in waxyaabo badan oo laga baqayo in la qabto la qaban karo kaliya waxa loo baahan yahay in ummadda la jaheeyo, in aynu aqoonsano awooddeena, in aynu garano waxaynu doonayno in aynu qabano iyo halka inoo calaamadsan ee aynu doonayno in aynu gaadhno.

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@yahoo.com