Canshuurtii Mexico oo la Hakiyay

Maraykanka – (warsoor) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Mexico ay ku heshiiyeen sidii dadka muhaajiriinta ah ee Mareykanka uga soo tallaaba xadka Mexico loo xakameyn lahaa, halka Mareykankana uu ka baaqsaday inuu canshuurta ku kordhiyo alaabaha ay Mexico u soo dhoofiso Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in aysan dhaqan gali doonin cnshuurtii la qorsheeyay in maalinta Isniinta ay ku billaabato wax soo saarka Mexico ee la keeno Mareykanka, kaddib markii ay labada waddan heshiis ka gaareen arrimaha soo galootiga.


Mexico, ayuu sheegay in dhankeeda ay tallaabo adag u qaadi doonto sidii ay u xakameyn laheyd muhaajiriinta soo mara dalkeeda ee u soo tallaaba Mareykanka.

Xigasho: VOASOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.