Cali Waran-cadde oo Ka Hadlay Sababta Loogu Doortay Wakiilka Somaliland U Fadhiya Itoobiya

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta oo Axad ah ka qabsoontay xarunta wasaradda Arimaha Gudaha Somaliland xaflad xilka lagala wareegaayey wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Cali Waran-cadde ayaa si qoto dheer uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka wasaaradaa Arimaha Gudaha hayey.

Cali Waran-cadde ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu talo ka waydiiyey xilka uu ka qaadayey ee uu damacsan yahay inuu beelaha Sool siiyo, waxaanu sheegay inuu ka ogolaaday.

Waran-cadde ayaa sheegay in madaxweynuhu u soo jeediyey inuu u magacaabo wasaarad kale oo u dhiganta wasaaradiisa, balse uu ka cudur daartay.

Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay sababta uu u aqbalay in loo magacaabo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya waxaanu sheegay in isagu uu madaxweynaha ka dalbaday in uu u magacaabo safiirka Itoobiya si uu ugu soo nasto in muddo ah dalkana wuxuu uu uga qaban karo inta uu xilkaasi hayo.

Halkan ka daawo warkaa oo aanu ka soo xiganay Channel-ka wakaaladda warar ee SOLNA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.