Cajiib: Adeega ZAAD Iyo Maxamuud Xaashi?..

Khalad ha fahmina Dawladda shaqadeeda ayay tahay inay Sherkad kasta cashuurtii Ku waajibtay ka qaadato, taasi waa biyo Kama dhibcaan, haddii taab gaabnida iyo karti darida Dawladda lala dabamaro cashuurta iyada ku khaldan oo u dhitinaysa waa inay nidaamkaas cashuurta dajisaa midhaakasi waa daw, waliba waxan ogahay Sherkadaha iyo Tujaartu cashuurti saxda ahayd lagama qaado.

Lakiin waxaynu ka hadlaynaa dhaqaale burburka dalkeena haysta xaggu salka Ku haya ma lacagta jibka Mobelka aad ku hadlayso ku jirtaa sababtay mise dhaqaale burbur intaas ka gundheer ayaa jira . Doodu waa taas ..?

Anigu waxan qaba Ninbaa wuxu yidhi UK iyo USA ma isticmaalan ZAAD. Adeer UK iyo USA iyo Sweden Baan dhexe oo madax banaan oo awood u leh inuu Xakameeyo cumladaha iyo sabaynta sixirada suuqooda ayay haystaan, oo la aaminsanyahay adigu ma haysataa? Dalka Boqortooyadda Ingiriiska 100£ wuxu marayaa 100$, laakiin Baanka dhexe ee Boqortooyadda Ingiriisku isagoo daawanaya oo dusha ka eegaya suuqa wuxuu marba ku sii daaya hadba xadiga lacageed ee sabaynta suuqa loo sargooyo. Dawlada Zimbabwe ayaa wareer ka qaaday eryashada qiimaha Doollarka, halkay ku khasareen kobcinta dhaqaliihi dalka, waxay taasi dalkaas ku keentay inuu tiraba dhawr jeer badalo lacagtii waddanka gabi ahaanba, waxa Somaliland haysta maanata weeye.

Ummadda lacagteedi Salama Bank iyo Dhaabshiil ayay taala oo dhigtaan waayo mays waydiisay..? Waa ku kalsoonaan iyo Aaminka ilaa hadda jira.

Mida kale Kenya iyo Malaysia way is ticmaalaan lacagta Mobel -ka lagu qaato lakiin sidaan anigu qabo, doodo horena ku sheegay dawlddu qorshe damaanad lagaga dhigaayo sherkadaha lacagta wareegaysa, si loo sugo ammaankeeda in aanay dadku ku khasaarin(Bank rush) ayaa Ku waajiba inay la timaado, taasina iman mayso ilaa la helo Baanki dhexe ee dalka oo awoodisi iyo shuruucdiisi loo dhamaystiray Lana madax banaaneeyay..

Xumad jabintan yar ee Maxamuud Xaashi la qiira toosay waxba ku saxmi maayaan meel aniga iigu qora . Dhib ka badan ZAAD ka iyo E’DAHAB ayaa dalka taala oo muddo la daawanaayay. Waar laba sherkadood ayaa raashinka waddankuba u xidhan yahay oo siday doonaan ka yeela , wax soo saar gudaha dalka ahi ma jiro oo wax kasta debadda ayay inooga yimadaan Doollar ayaanay inagu joogaan, Jaadkii ayaa malayiin Doolllar bil kasta oo lacagtii adkayd suuqa ka uruursaanaya oo dalka ka saaraya, qorshe Xukuumadda uga yaala inoomay sheegin oo aanay ahayd lacagta Mobelka lagu sitaa Sicir-bararka keentay .. ZAAD baa Sicir-bararka u aabo ah qof caqli lihi waxaas qaadan maayo ha sharxo Maxmauud Xaashi siduu ugu aabaha yahay Wallahay ma sharxi karo, waxa ka fiicnayd deg dega iyo laab la kaca xamaasada wata in marka hore khubari dhaqaalaha ku takhakhustay oo waliba muddo dheer ku shaqaysay loo diro kadib la soo bandhigo ummadda si faah faahsan loogu soo bandhigo. Wuxuu ku leeyahay Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Cali Dhagoole oo aan dhagaysanaayay, Basaskii ayaa ZAAD xitaa lagu raacayaa, dee waa adeeg camii taasi . Dhibta dalka haysta waa Sh. SL. Lacagtii dalka oo qiima beeshay waayo ayay u qiimo beeshay in lays waydiiya haboon..?? Cashuurihii kala duwanaa ilaa Dawlad Hoose ilaa mid sare Doollar ayaa lagu qaada Doollar, misana Baanki dhexe lacag adag ma hayo mana qabto oo maaliyada ayaa qabata, Xukuumaddu kayd lacag adag ah oo ay suuqa ku sii dayso ma hayso oo ay SH.SL ee baac sanaaya Doollarka yar ee casiiska noqday ay ku xoojiso, intaas oo jeer ayay lacag soo daabacaysaa. Marka ii sheeg sidee Sicir-bararku ku suulayaa.

One of the richest man in the world Billionaire Mr. Bill Gates, the former chief executive chairman of Microsoft, the world’s largest personal-computer software company, oo kamid ah dadka adduunka ugu saamaynta badan ayaa ammaanay adeegaha lacaga Mobelka ee ZAAD ee SOMALILAND haysato..

Waa adeeg anigu caawa iyo Bari taas ayaan qaba, dhibta Sicir-bararkana shaqo kumalaha.. Anigu ZAAD difaaci maayo Telesom na uma shaqeeyo meelna Kama soo galo oo alle igu ogyahay lakiin Dooda Maxamuud Xaashi way jabantahay… Ha sharxo siduu ZAAD-Ku dhaqaalaha waddanka ula degay AMA u kobciyay…

Tusan……..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Cajiib: Adeega ZAAD Iyo Maxamuud Xaashi?..

Khalad ha fahmina Dawladda shaqadeeda ayay tahay inay Sherkad kasta cashuurtii Ku waajibtay ka qaadato, taasi waa biyo Kama dhibcaan, haddii taab gaabnida iyo karti darida Dawladda lala dabamaro cashuurta iyada ku khaldan oo u dhitinaysa waa inay nidaamkaas cashuurta dajisaa midhaakasi waa daw , waliba waxan ogahay Sherkadaha iyo Tujaartu cashuurti saxda ahayd lagama qaado.