“Cabdiraxmaan-Cirro Wuxuu Garan Waayay, Intaan Anigu Gartay..” Guddoomiyaha 31 May

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha degmada 31-ka May ee Hargeysa Cabdillaahi Xasan Digaale ayaa ka hadlay eedaymo boqorka Beelaha Gabooye u jeediyey Madaxweyne Biixi, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta.

Cabdillaahi Xasan Digaale oo daba socda hadallo uu Boqorka Gabooye ku duray Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta ayaa sheegay in boqorka Gabooye uu ka tallaabay anshaxii lagu yaqaanay Madax-dhaqameedka isla-markaana uu caadaystay inuu si qaawan u weerarro Xukuumadda.

Guddoomiye Digaale oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka jawaabayaa Hadal uu Boqorka Beelaha Gabooye ku weerarray Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta. Sida uu Boqorka Gabooye arrintaa u dhigay ama uu u weerarray waxay ahayd si ka baxsan anshaxa Madax-dhaqameedyada (in Wasiirka Maaliyadda loo Magacaabo ku-simaha Wasiirka Qorshaynta), markaa waxaan is leeyahay boqorka waxa wax u dhimay baalasha Shimbiraha ee uu xidho. boqorka waxaan leeyahay Maalmahan dambe waxaad caadaysatay inaad Madaxweynaha iyo Qaranka si Qaawan u weerarto, halka imika Xaaladdaadu maraysaana waxaad ka baxday xayndaabkii Bani-aadamnimada, intaa ka dib waxaanu kuu aqoonsan doonaa inaad bannaysay booskii boqornimada ee Beelahaa.”

Guddoomiyaha Degmada 31-ka May wuxuu sheegay in Wasiir ku-xigeenka Qorshayntuu uu hawlihiisa u wato si caadi ah, isla-markaana aanu uga cabanin in shaqadiisa la carqaladeeyay “Bulshada waxaan leeyahay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshayntu wuu haystaa Shaqadiisii inoomuu soo cabanin oo cabasho kama imanin, waanu ka jawaabay oo wuu sheegay inuu waajibaadkiisa gudanayo, marka la leeyahay Wasiir ku-xigeenka Shaqadaan loo ogolayn waa wax aan jirin. Anigu Guddoomiye degmo ayaan ahay, Wasaaradda iyo meesha kale ee aanu joognaba waanu ka dhex muuqanaa, Karaamo iyo sharaf bayna noo hayaan Bulshada Somaliland meel ay joogaanba, Anaguna waanu u haynaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro “Waxaan farriin u dirayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo Xisbigaasi oo beryahan dambe caadaystay kicin iyo qalalaase iyo Abaabul bulsho, waxaan leeyahay Ummaddu uma baahna Qas, Ummaddu waxay u baahan tahay midnimo, toosin iyo Talo.”

Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Cirro garan waayay wax uu isagu sheegay inuu gartay “Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, aniga oo Shaqsi ah intaan gartay ayuu garan waayay, maxaa yeelay waxaan ka mid ahaa musharraxiintii Golaha deegaanka ee dhacday 2012-kii, waxaanan ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu codadka badnaa Gobollada dalka, waxa la igu waad dhacday waanan aqbalay, laakiin Cabdiraxmaan-Cirro isagoo boqollaal kun lagaga badiyey ayuu Saacad kasta la soo taagan yahay Maan dhicin ee waalla i dhacay..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi “Madaxweyne, waxaan kuu soo jeedinayaa Ma hadho reeb oo Wasiir buuxa u Magacow waxay sheegataba ha waydee..”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.