Caalamaka oo soo dhaweeyay soo celinta xukuumaddii rayidka ee dalka Suudaan

SUUDAAN – (WARSOOR) – Dowladda Mareykanka iyo Midowaga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiskii siyaasadeed ee ay kala saxiixdeen ra’iisal wasaaraha Suudaan iyo ciidamada dalkaaas  si loo soo afjaro qalalaasihii dalkaas ka jiray isbuucyadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Qaramada Midoobe,  ururka Iskaashiga Islaamka iyo urur goboleedka dowladaha IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dhinacyada Suudaan shalay galab  kala saxiixdeen.

Ururadaan ayaa u mahad celiayay cid walba oo ka qeyb qaadatay heshiiska, si dalka Suudan looga badbaadiyo dhibaato cusub oo gobalka kusoo kororta.

Ra’iisala wasaasaraha Suudaan Cabdallah Xamduuk iyo taliyaha guud ee ciidamada dalkaas Cabdifataax Al-Burhaan ayaa shalay qalinka ku duugay heshiis ka kooban 14 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen  soo celinta  xukuumadii rayidka, sii deynta dhammaan siyaasiyiintii la xiray iyo in laga wada shaqeeyo sidii Suudaan loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah oo nabad ah.

Tan iyo 25-kii bishii hore, waxaa Suudaan  ka socday qalalaase xooggan, kadib markii ciidamada dalkaas ay kala direen xukuumaddii rayidka sidoo kalen ay xireen ra’iisal wasaarihii dalka iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa.