Caafimaadka Cabista Biyaha Kulul

Dadka badankooda ayaa jecel inay cabaan biyaha qabow marka ay haraadaan ama ay raashin cunayaan, laakiin bulshada Shiinuhu sidaasi ma samayso. Waxay caado u leeyihiin inay cabaan biyaha kulul marka ay biyo u baahdaan iyo marka raashinkaba.

Wargeyska Los Angles Time ayaa daabacay in dadka Shiinuhu ay dhaleecyeen qofka ka tirsan qoyska ee caba biyaha qabow iyagoo aaminsan in laga qaado xanuuno.

Dalka Shiinaha cabista biyaha kululi waxay soo bilaabantay sanadkii 1949 wakhtigaasi oo dawladda ay dadka fartay inay biyaha kariyaan si loo nadiifiyo ka dib markii ay wasakhoobeen. Waxa kale oo arintaasi xoojiyay Dhakhaatiirta Shiinaha oo qayb ka qaatay ka dib markii ay bulshada u cadeeyeen in biyaha kululi caawiyaan dheefshiidka, Habsami u socodka Dhiigga, Murqaha, iyadoo biyaha qaboobina ay keenaan xubnaha jidhka ee shaqada badan inay yareeyaan hawshooda.

Waxa kale oo ay sheegeen in aan loo baahnayn in raashin kulul iyo biyo qabow isku mar la wada qaato taasi oo dhibaato ku keenaysa heer kulka jidhka. Dhamaan goobaha cuntada Shiinaha waxa laga heelaa biyo kulul oo sida shaaha falaasyo lagu kaydiyo ama mishiinada kulalayka xafida. Dhamaan gooobaha kulanada lagu qabtona iyagana waxa la keena biyo u kulul sida shaaha..