Bulshadda Somaliland Oo Bar Kulanka Facebook-Ga Fariimo Cajiiba Madaxweynala La Doortay Ee Somaliland Kaga Dalbaday In Uu Sharmarke Geelle (Hiil Qaran) Xukuumadda Ku Soo Daro

Hargeysa – (warsoor) – Bulshadda reer Somaliland gaar ahaan kuwooda Isticimaala Barkulanka ay Bulshaddu ku kulanto ee Mareegta Internet-ka FACEBOK-ga, waxay ka bilaabeen fariimo ay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi  Cabdi kaga dalbanayaan in uu dawladdiisa cusub ee ee uu soo dhisi doono ku soo doro Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dalwadda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, kaas oo ay ku tilmaameen astaanta dhalinyarta reer Somaliland ee horumarka u horseedi karta qaranka curdinka ah ee Somaliland isla markaana shaqsi muujiyey mudadii uu xukuumadda xilku ka sii dhamaanayo ka tirsanaa karti iyo boodhka in uu ka jafay oo horumar gaadhsiiyey Shaqaalaha dawladda ee Somaliland loona baahan yahay in fursad kale uu u helo gudashadda waajibaadka qaranka ka saaran.

Fariimaha Cajiibka ee Bulshadda reer Somaliland ay Barkulanka FACEBOOK-ga ku soo qoreen kuna amaanayaan  Guddoomiyaha dada yare e Hay’adda Shaqaalaha Dalwadda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, isla markaana ay codsiga ugu direen in uu mar kale oo magacaabo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Muuse Biixi, waxa ka mida Kelmaddaha la yaabka leh ee Sharmarke Geelle shacabka Somaliland wax qabadkiisa iyo Kartidiisa guddashadda xilkiisa qaran ay ku safeeyeen waxa ka mida #Sharmake Caddaali, Sharmarke Hiil Qaran , Sharmarke Geelle Shaqsi Ku Sundan iyo Xulashadda Shaqaale Dawlada Qalin aan Qabiil Lahayn iyo kelmaddo kale oo ay Madaxweyne Muuse Biixi ugu sharaxeen sida uu Sharmarke Geelle hiilka ugu noqday qaranka Somaliland loona baahan yahay si uu dhalinyarta reer Somaliland tusaale I faaya ugu yahay in fursad kale loo siiyo sidii uu waajibkiisa qaranka uu ugu adeego uu u sii wato.

Qoraaladda ay Bar kulanka ay  Facebook muwaadiniinta reer  Somaliland ku baahinayaan Madaxweynaha cusub ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  na uga dalbanayaan in qaranka Somaliland mar kale u baahan yahay in dawladda cusub lagu soo daro Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dalwadda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxay fariimahaasi  oo qaarkood aanu isku soo ururinay u dhigan yihiin sidan ?

Muwaadin lagu magacaabo Maxamed-deeq Axmed (facebook/ Maxamed-deeq Axmed)  oo isaguna Bartiisa Mareegta Bulshaddu ku kulanto ee Facebook-ga soo dhigay qoraal kooban oo Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu kula hadlaayo kagana dalbanaayo in uu Xukuumaddiisa uu soo dhisi doono ku soo daro Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dalwadda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo hawlkarnimo iyo dedaal xilkiisa qaran uu umadda ugu adeegay darteed in fursad loo siiyo in adeega qaran ee uu umaddiisa u hayo uu halkii ka sii wado waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne, Gudoomiyaha Haa’yadda Shaqaalaha Sharmake Geelle, waa Hawlkaree Xukumadaadda kudarso, aqoon iskuma lihin, laakiin waxaan qirayaa Kartidiisa mudadii koobnayd ee Xilka Qaranka lagu aaminay.”

Mid kale oo ka mida Bulshadda reer Somaliland oo lagu magacaabo Axmed Sigad (Facebook/Ahmed Sigad) oo  isagana Bartiisa bulshadda ee Facebook-ga soo dhigay qoraal uu ku amaanayo shaqsiyadda iyo waxqabadka Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dalwadda md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Sarayn aan sinji ku dhisnayn Qalin aan qabiil ku xidhnaynCadaalad aan ciil lahayn,Hogaamiye ku sifoobay Gudomiye Sharmake Geelle #Sharmake_Cadaali,Waa haldoorka dhalinyarda Somaliland wasiir buuxa baan u rajaynayaa #Incha_Allah”

Muwaadin kale oo magaciisa u soo gaabiyey (Facebook/Zer Oslo) oo isaguna dareenkiisa rajadda uu ka qabo in Md Sharmarke Geelle Xukuumadda Cusub ee Madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku soo dari doono isaga oo kelmado shaqsiyadda Sharmarke uu ku qeexay ku amaanay waxaanu yidhi “Waziir Buuxaan u Rajeynayaa #Sharmaake_ahmed_muhumed_geelle, hankii iyo Hiigsigii dhalinyarada ayuu dib u soo nooLeyey wllky oon Ku taageraya #Sharmaake cadaaLi, Hore u Soco GudoomiYe”

Mid kale oo isaguna ka mida shacabka reer Somaliland oo magaciisu yahay Xusseen Daahir (Facebook/ Houssein Daher) waxa uu isaga oo madaxweynaha cusub ee Somaliland loo doortay codsi u diraayey ka dalbaday in uu dhalinyaradda Somaliland abaal uga dhigo shaqsiyada wax qabadka ku suntan ee Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo mar kale xilkiisa qaranka uu ugu hiiliyey uu dawladdiisa cusub ku soo daro waxaanu yidhi “Madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Muj Musse bixi abdi waxan uso jeedinaynaa iin markale gud-haya’da shaqalaha somaliland Sharmake Geelle lanoso magaacabo,ka dhalinyar ahaan aadbanu uu tageersanahay anago isku dubaan qarankana wax badan ayu uu gabtaay”

Maxamed Ander oo isaguna Bartiisa Facebook-ga (Mäxåméd Âñdár ) uu ku leeyahay ku sharaxay shaqsiyadda iyo waxqabadka muuqda ee Somaliland mudadii uu xilka guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda madaxda ka ahaa iyo dedaalka uu muujiyey fariina u diray Madaxweynaha Cusub ee Muuse Biixi waxa uu yidhi “Markaad eegto waxqabadka baahsan ee uu gudoomiye sharmaake geele ku talaabsaday mudadii uu xilka hayay,iyo waliba sida uu hankii iyo hiigsigii dhalinyarada ee ahaa inay ka qayb qaataan horumarka iyo talada dalka kor ugu soo qaaday, waxaa cad in waddanku u baahan yahay dhalinyaro kor usoo qaada hanaanka dawlad nimo kana soo mudha meelaha ay maamulayaan sida iminkaba gudoomiye sharmaake oo xanbaarsan magacii dhalinyaro uga soo dhex muuqaday masuuliyiintii uu hogaaminayay axmed siilaanyo, dhalinyaro ka qaybqaado ololaha aynu ku doonayno in gudoomiye sharmaake noqdo wasiir buuxa oo kasoo dhex muqada xukuumada cusub ee la filayo in dhawaan madax wayne muuse soo magacaabo, si maamuuska,waxqabadka iyo hamiga dhaliyaradu kor ugu sii kaco”

Muwaadin kale oo isaguna Bartiisa Facebook-ga ku soo gala  (Facebook/ Qoraa Ibnu Askar) oo shaqsiyadda iyo dedaalka Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo dedaalkiisa kelmaddo kooban oo uu kaga hadlaayo ku qoray waxa uu yidhi “Shaqsi Ku Sundan Cadaalada Kuna Xusha #ShaqaalahaDawlada Qalin aan Qabiil Lahayn, Ahna Shaqsi dhalanyar ah oo Hawl kar ah, Shaqeeyana Ilaa Afarta Galabnimo Siduu Aroortii Usoo Galo Waxan ka codsan Lahayn #Xukuumada #Muuse_Biixi in #Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Wax isbadal ah Lagu Samayn Sharmake Geelle”

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo ka mida mudanayaasha golaha wakiiladda Baarlamaanka ee Somaliland ayaa isaguna mar uu Hargeysa Saxaafadda kula hadlaayey qiray Kartidda iyo Hufnaanta Shaqadda uu qarankiisa u hayo Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxaanu Madaxweynaha la doortay ee mudane Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey in uu dawladdiisa uu soo dhisi doono xudun u noqoto dhalinyaro iyo dhiig cusub sida sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaga oo dayar ah hadana si naf hurnimo ah qarankiisa ugu adeega waxaanu yidhi ”Ha Keeno Madaxweynuhu Meesha Sida Sharmake Geelle Oo Kale Dhalinyaro Ushaqaysa Dalka Iyo Dadkaba”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.