“Bulshadani Waxay U Baahan Tahay Dawladnimo, Maaha Wax Aannu Ku Qasbayno Iyagaa Raba, Hadii Aanay Rabin, Halkan Awr-Boogays Maanu Nimaadneen Waxna Kamaanu Samayneen”. Wasiirka Madaxtooyada JSL

Awr-boogays – (warsoor) Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi oo maalintii shalay gaadhay Deegaanka Awr-boogays ayaa si weyn halkaasi loogu qaabilay.

Weftiga Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo ujeedada socdaalkoodu ahayd wacyigalinta in dadka muwaadiniinta ahi ay qaataan kaadhka cod-bixinta ayaa la hadlay dadweynaha reer Awr-boogays, Wasiirka Maxamuud ayaa si weyn ugu hadlay Siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee deegaamda bariga dalka waxaanu yidhi “ Weftigayan uu hoggaaminayo gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ee ka socda Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waxa socdaalkayagu uu dabada ku hayaa wacyigalinta qaadashada kaadhka cod-bixinta, waxaannu maanta idiinku nimid in aannu idinku wacyigalino in kaadhka la qaaato. Maadaama oo aannu nahay Xukuumaddii tallada dalka haysay, ILAAHAY idamkii waxa noo barbar socda hawl-maalimeedkii iyo dawladnimadii oo aannu hadh iyo habeenba ka shaqaynaynaa, degmada Awr-boogays waa meel weyn oo ku calaamadsan nabaddgalyada, waxaannu ka fulinay Xukuumad ahaan shan mashruuc, mid waa dhamays tirmay oo oo saldhigii booliska degmada, midna waa xaruntii maamulka degmada ee dawladda hoose oo iyaduna gabogabo ah, midna waxa weeye dayrka dugsiga, ka afaraad waa guri martiyeed, ka shanaadna waa daryeelka xarunta caafimaadka MCH-ka.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “ Siyaasada Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Axmed Siilaanyo hoggaamiyaha ka yahay waxa ay deegaankan ku maamushaa afar arrimood oo udub-dhexaad u ah, kow  adkaynta iyo xoojinta nabadd-galyada deegaamadan oo ahaa dhul aan nabadi ka taabo qaadin dhawr iyo labaatan sanadood, oo aan lays xukumin, arintaa waxaanu ku badelnay in aannu nabad ku dabaalno, waayeelka iyo bulshaduna ay nagala shaqeeyeen oo aanu ku bogaadinayno, arrinta labaad waxa weeye midnimada iyo wadajirka bulshada in aanu adkayno, niyad-samid iyo walaalnimada beelaha dariska ah.”

“ Arrinta sadexaad waxa weeye maamul fidin, in adeega iyo maamulka dawalnimada la fidiyo, marka nabad la sameeyo, oo dadku cashuurta bixiyaan oo loo adeego, gobolka Sool dawladnimadiisu marbay joogtay Yagoori, marna Adhi-cadeeye ayey joogtay, Laascaanood-na marbay joogtay, Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyadoo dawlanimadu Laascaanood maraysa ayuu kula wareegay maantana Awr-boogays ayeynu joognaa, Xudun-na waynu soo marnay, shalayna Dharkayn-geenyo ayaannu joognay ummaddu waxay u baahan tahay maamul, Ummaddu haday ilowdo maamulka iyo dawlanimadda waa dhibaatada maanta walaaladeen Soomaaliya haysta in qofku uu ku koro oo ku hano qaado dawladd la;aan sidaasna dan moodo.”

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay baahida dadweynaha deegaanadaasi ku dhaqani ay u qabaan maamul dawladnimow axaannu yidhi “ Bulshadani waxay u baahan tahay dawladnimo, maaha wax aannu ku qasbayno iyagaa raba, hadii aanay rabin, halkan maanu nimaadneen waxna kamaanu samayneen, waanu ku bogaadinaynaa garashadaa, fahankaa iyo aqoontaa, Waxa naga go’an mudadaa yare ee hadhay in aannu xoojino maamulka iyo dawladnimada, mustaqbalka iyo dawladda soo socota tallo adag iyo waxqabad badan ayaa horyaala, qodobka afaraad waa horumar in wixii mashaariic horumar ah aannu ka fulino deegaamadani way ballaadhan yihiin, mashaariicdna waa lagu fir-dhiyaa meelba waxbaa laga fuliyaa.”

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.