Budhcadda Internetka oo Weerartay Iiraan, Koombiitarddii laga jabsaday oo Calanka Maraykanka Lagaga Tagay Muraayadiisa

Iraan – (warsoor) – Budhcadda Internetka ayaa weeraro ku qaaday khadka internet waddamo badan oo caalamka ah oo dalka Eeraan, waxaana koombiitaraddiii la jabsaday muraayadooda lagu dhaafay calanka maraykanka iyadoo ay la socoto fariin ah ‘Doorashada dalkayaga ha naga xumeynin’, sidaasi waxaa Sabtidii Sheegay Wasiirka IT-ga ee dalka Iiraan.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Iiraan oo soo saaray war murtiyeed lagu shaaciyey wakaaladda wararka Iiraan IRNA ayuu ku sheegay sida: “Sida cad waxaa si caalami ah loo weeray 200,000 oo ruuter, 3,500 oo ka mid ah ruutaraddaa la dhacay wacaa iska leh dalka Iiraan”.

War murtiyeedkan ayaa lagu sheegay in weerarkan internka Iagu beegsaday shirkadaha bixiya adeega internetka, iyo shabakadaha isticmaala seerfaradooda. Waxaa hore loo sheegay in habka CISCO uu leeyahay meelo liita oo laga soo weerari karo, waxaana loo soo diray barnaamijkii dhayi lahaa, balse dadkii loo diray ayaan kor u qaadin barnaaamijkoodii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.