Boqor Salmaan oo isbedel ku sameeyay hanaanka boqortooyada

Sacuudi Carabiya – (warsoor) – Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddelay qaabka dhaxalka boqortooyada, isagoo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

Boqor Salmaan Bin Cabdel casiis ayaa xilkii ka qaacay Amiir Maxamed Bin Nayef, iyadoo Maxamed Bin Nayef sidoo kale laga qaaday Xilkii uu hayay ee Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Boqorka Sucuudiga, Salman Bin Cabdel Casiis ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku sameeyay isbedeladan dhowrka ah waqtiyo aan sidaasi ukala fogeeyn.

A handout picture release by Saudi Royal Palace on December 14, 2016 shows Saudi King Salman bin Abdulaziz (R), Crown Prince Mohammed bin Nayef (C) and deputy Crown Prince Mohammed bin Salman arriving for the opening session of the Shura Council in Riyadh.
/ AFP PHOTO / Saudi Royal Palace / BANDAR AL-JALOUD / RESTRICTED TO EDITORIAL USE – MANDATORY CREDIT “AFP PHOTO / SAUDI ROYAL PALACE / BANDAR AL-JALOUD” – NO MARKETING – NO ADVERTISING CAMPAIGNS – DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS

Maxamed Bin Salmaan oo 31-sano jir, ayaa joogi doona xilka wasaaradda lagu magacaabay ee Gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa ra’iisul wasaare ku xigeen.

Wakaaladda wararka ee dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdel casiis uu ugu baaqay shacabka dalka Sucuudiga ay muujiyaan daacadnimo islamarkaana ay la shaqeeyaan amiirka cusub ee uu magaacabay.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.