Boqolaal ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xanniban Liibiya oo isu diiwaan geliyay inay ku soo laabtaan Dalkooda

Tripoli-(warsoor)-Waxaa illaa iyo hadda la diiwaan galiyey 230-dhallinyaro ah oo Sanado badan ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalo waddanka Liibiya, dhalintan ayaa diyaar u ah in lagu celiyo wadankooda hooyo.

Cali Siciid Fiqi safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya kana mid ah Ergada dawladda Soomaaliya u wakiilatay arrimaha soo celinta dhalinyarada dibadda ku xiran ayaa sheegay in todobaadka soo socodo ay dalka ku soo celinayaan qaybta ugu horraysa, iyaga oo kaashanaya hay’adda muhaajiriinta ee IMO.

Horay dowladda Soomaaliya laba jeer ayay dalka Liibiyaan kaga keeneen Soomaali ku dhibaateysanaa xabsiyada waddankaasi, wadamada Seychelles India & Ethiopia ayaa kamid ahaa waddamada kale ee laga keenay Soomaali ku xirnaa xabsiyada dalalkaasi,

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay u soo celin laheyd Soomaalida ku dhibaateysan waddamada caalamka haba ugu darnaate waddanka Liibiya oo dowlad aan awood badaneen ka jirto tan iyo markii xilka laga tuuray Qadafi taasi oo sabab u noqotay in lagu dhibaateeyo Muhaajiriinta nolosha u raadinaya Yurub oo ay Soomaalida kamid tahay.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.