Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay Rag loo qabtay waxyaabaha Maanka Dooriya

Muqdisho – (warsoor) – Howl galkani oo ay iska kaashadeen qeybta bari ee gobolka Banaadir iyo ciidamada xooga dalka aya lagu qabtay 7-ruux oo isugu jiray kuwa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya iyo rag kale  oo kufsi geystay ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Gubadley ee dagmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha qeybta Bari ee gobalka Banaadir Gashaanle Sare Maxamud Xuseen Axmed oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu so bandhigay waxyaabaha maanka dooriya ayaa sheegay in wax laga qaban doono cid walbo oo lagu arko ka ganacsiga waxyabaha maanka dooriya iyo isticmaalkooda.

Taliye ku xigeenka qeybta  guud ee gobolka Banaadir Jeneraal Sulub Axmed ayaa sheegay in raggani lagu sameyn doono dhaqan celin,  waxa uuna  bogaadiyey ciidamada xooga dalka qeybtooda 3-aad ee Gubadley iyo qeybta Bari gobolka Banaadir shaqada ay qabteen.

Ciidamada Booliska Soomaliya ayaa malmihii ugu dambeeyey waday howlgalo lagu soo afjarayo waxyaabaha maanka dooriya.

XIGASHO: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.