Booliska Koofur Galbeed Oo Caaw La wareegay Saldhig Al-shabab Ay Ku Lahaayeen Deegaanka Misre Ee Degmada Diinsoor

Beydhabo – (warsoor) -Ciidamda Booliska Gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koouir Galbeed Soomaaliya ayaa burburiyay Saldhig deegaanka Misre ee degmada Diinsoor ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabab kadib markii ay ciidamada kala wareegeen maleeshiyaadkii ku sugnaa Saldhiggaasi.

Wasiirka Hub kadhigta iyo dhaqan celinta dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo u waramay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamada Booliska Gaarka ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay maleeshiyaadka al shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

booliska_waqooyi_galbeed

Wasirka ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidamada balse loo awood sheegtay kooxihii ku sugnaa saldhigga iminkana ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

โ€œHowlgalku Caawa ayuu dhacay, qasaare wuu jiraa dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa isagoo faahfaahsan laakin waxaa idin xaqiijinayaa in caawa Ciidamada Booliska Gaarka ah burburiyeen Saldhiggii alshabaab ee deegaanka Misre ee magaalada Diinsoorโ€ayuu yidhi Wasiir Xasan Eelaay.

Booliska Gaarka ee dhawaan loo tababaray dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ay Al-shabaab kala wareegayaan deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.