Booliiska oo Gacanta ku Dhigay Nin Kufsi iyo Dil u Geystay Gabadh yar

Hargeysa- Booliiska Somaliland ayaa manta ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane dembi kufsi iyo dil u geystay gabadh da’deeda ahayd 15 jir, deegaanka Lughaye.

Sida illo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen the THT, eedeysanaha ayey ganacta ku soo dhigeen ciidan markii falku dhacay Taliyaha Ciidanka Booliisku S/G Maxamed Aadan Saqadhi ugu diray hawlgal deegaanka falku ka dhacay ee Lughaya.

Dhinaca kale, qoraal barta Facebook ee Ciidanka Booliisku Somaliland leeyahay lagu baahiyey manta ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari wadadda dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, waxaanay fariintu u dhignayd;

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood..

Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.”Labadan talaabo ayaa muujinaya deedaalada Ciidanka Booliiska Somaliland iyo madaxdoodu ugu jiraan sarraynta sharciga iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada, mudan yihiina in mahadcelinteeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.