Beesha caalamka oo bisha Ramadaan awgeed rajo ka qabto heshiis laga gaaro doorashada Soomaliya

MUQDISHO – (WARSOOR)- Wadamada beesha caalamka ayaa sheegay in maadama ay soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan ay rajeynayaan in madaxda dolwadda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyadu uu shirkoodu ku soo dhamaado guul ayna heshiis ka gaaraan arrimaha taagan.

Beesha caalamka ayaa ku boorisay in shirka ay hoggaaminayaan madaxda Soomaalida oo isla iyagu leeyihiin uu horseedi doono in xal laga gaaro dhamaan waxyaabaha la isku hayo iyo in la oggalaado geedi-socodka heshiiskii 17-kii September ay madaxdu wada gaareen.

Heshiiskaas oo astaan u ah midnimada, naxariista iyo tixgalinta dadka kale ayaa wuxuu muujinayaa hoggaan iyo daneynta Qaranka Soomaaliya, kaas oo ay tahay in hadiyad gaar ah looga dhigo bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa lagu yiri warkaan ay soo saareen beesha caalamku.

Sidoo kale Warbixintaan ayay beesha caalamku ku sheegeen in dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada ay ugu baaqayaan in ay ka faaiidaystaan fursadaan si ay u xaliyaan kala aragti duwanaanta jirta ayna isugu tanaasulaan si loo qabto doorasho hufan oo nabad ah wakhtigeedana ku dhacda si dalku uu horey ugu socdo meeshana looga saaro dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada.

Hadalkaan ka soo baxay saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili dowladda Soomaaliya ay iyana xalay sheegtay in ay ka go’an tahay, kuna dadaalayso sidii ay u mira dhali lahaayen kulamada wadatashiga ah ee u socda dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cisman Abuukar Dubbe oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliya ee Sonna ayaa sheegay in xukuumaddu rajo badan ka qabto in kulamadu ku soo dhamaadaan natiijo wanaagsan iyo wadajir u fulinta heshiiskii 17kii September.

Dowladdu shalay waxaa ay sheegtay in Arbacada maanta ah uu dib u bilaami doonaan wadahadalladii u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyda maadama la sugayay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo safar deg deg ah ku gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Sababta aysan Beesha Caalamka u khasbi karin madaxda Soomaalida

Madaxda Soomaalida ayaa muddo dheer isku fahmi la’ hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday, xilli beesha caalamkuna ay dadaal ugu jirto sidii dhinacyada kala aragtida duwan la isugu soo dhaweyn lahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka, inkastoo aan lagu guuleysanin in shirkii la filayay ay dhammaantood ka wada qeyb galaan.

Ilaa hadda Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaan ku biirin shirka ay ku wada sugnaayeen madaxda saddexda maamul ee kale iyo dowladda dhexe.

Marar badan ayay dowladda federaalku madaxda labada maamul ee shirka ka maqan ugu baaqday inay kusoo biiraan. War saxaafadeedkii ugu dambeeyayna waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono xaaladda doorashada.

Hase ahaatee, war saxaafadeed wadajir ah oo Puntland iyo Jubaland ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen in mas’uuliyiinta dowladda dhexe “ay xagal daacinayaan” shirkii loo ballan sanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka, oo in muddo ahba xal u raadinayay xaaladda ismari waaga ah ee doorashada Soomaaliya ayaa dhowr isbuuc ka hor ku qanciyay madaxda Jubaland iyo Puntland in ay tagaan Muqdisho, walow ay ku guul darreysteen in ay ka dhaadhiciyaan ka qeyb galidda shirka loo fadhiyay.

Beesha Caalamku ma khasbi kartaa madaxda Soomaalida?

Barfasoor Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa BBC-da u sharraxay dhowr sababood oo uu fikir ahaan qabo in beesha Caalamku aysan cadaadis xad dhaaf ah ku saari karin siyaasiyiinta khilaafku u dhaxeeyo.

Ugu horreyn wuxuu Prof Bursaliid qeexay in hadda laga soo gudbay xilligii Beesha Caalamku ay hoggaanka u heysay masiirka Soomaalida.

“Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay Soomaaliya u wada hadli karaan dal ka dal ama waa urur goboleedyo heer gobol ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu kuma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqanto ama ay raacdo.

“Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga caawinayay dal dhiska, nabadeynta iyo dib u mideyntiiba. Tan iyo doorashadii 2012-kii waxaad mooddaa in laga baxay ku meel gaarnimadii, sidaas darteedna ay tahay in la xurmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda,” ayuu yidhi Prof Bursaliid.

Waddada kale ee u furan beesha Caalamka ayuu Prof Ibraahim Bursaliid ku sheegay mid qallafsanaan ku imaan karta.

“Dal walba wuxuu ku sabsan yahay inuu Soomaalida ku xurmeeyo go’aannadooda masiiriga ah, sida uu Shiinuhuba caddeeyay. Laakiin haddiiba ay noqoto in talooyin gurracan la siiyo waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si hanjabaad ah loogu sheego, haddiiba uu jiro dal tun buuran sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.”

Xigasho: Bbc Somali