Beelaha Dan-wadaago Oo La Bahoobay Xisbiga Waddani Iyo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Farriin Isbedel U Diray Shacbiga Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayo Siyaasiyiin, Wax-garad, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Dhallinyar, Haween iyo taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beelaha Dan-wadaago ee Ciidagale oo ka soo guuray Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Musharraxa Madaxweynaha Waddani Dr Cabdiraxmaan, hoggaanka sare ee xisbiga, masuuliyiin kala duwan iyo haldoorka beesha ayaa munaasibada ka qayb galay.

Musharraxa madaxweynaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa soo dhaweeyay beesha cududeeda ku biirisay bahweynta Waddani “Waxaan salaamaya Salaadiinta, Boqorada iyo Cuqaasha beelweyntan ilyartu is qabatay aynu halkan ugu xafladaynayno oo awalba ka mid ahaa dadkii bilaabay markii la unkayay ururkii Waddani ee hadda noqday xisbiga Waddani. Waxay muujinayaan oo cududoodii siyaasiyiinta, madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, haweenka iyo qurbejooggiiba isugu geeyeen iyaga oo hoolku qaadi waayay oo in badan dibadda taagan tahay halkan ayay ku dhan yihiin. Waxaan uga mahadnaqaya dhammaantood in ay taageereen rabitaanka shacbiga Somaliland oo ah isbedel,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in bulshadu ka daashay nidaamka xisbiga Kulmiye dalka u maamulay “Maanta umaddu waxay ka daashay oo ay quus ka joogta Maamulka Kulmiye. Waxa maanta umadda noloshoodii cidhiidhi geliyay Sixir Barar, Xukumadda Kulmiye waxay tidhi ‘Waxba ka qaban kari mayno’ maalin walba lacag ba la soo daabaca halkii sixir bararka laga xakamayn laha taas oo kor u sii qaadda Sixir Bararka maalintaas jira. Wuu ka soo noqon waayay sixir bararku halka uu gaadhay oo qofkii barri waxa uu kiiloga sonkor ah ku iibsan doono ma yaqaano, cidhiidhi ayay nolosheenii oo dhammi gashay. Maanta shacabku waxay ka quusteen caddaaladdii, waxay ka quusteen ammaanadii ay xukumadda u dhiibteen oo maalinba mid la xaraashayo,”Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu intaasi ku daray in bulshada Somaliland faro madhan ka taaggan tahay ballan qaadyadii Kulmiye waxaanu tusaale u soo qaatay ballantii ahayd in ay tahriibta yarayn doonan laakiin, ay sii laban laabantay“Walaalayaal waxa maanta shacbiga Somaliland la siiyay fursad, fursaddaasina maalin walba ma joogto, dastuurku waxa uu shacbiga siiyay awoodda ugu balaadhan, awooddaas oo ah dalka Madaxweyna ugu sarreeya madaxweynaha jooga idinka bedeli kara mid cusubna idinka keeni kara, shacbiga Somaliland oo dhan maanta fursaddaasi way u taaggan tahay waxaana loo baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan Illaahayna waydiistaan isbedel khayr qaba, codkoodana ku taageeraan isbedelka isbedelna maanta cidda wadda waa Waddani, waxaynu leenahay kalmaddii Suldaan Jaambiir ee Kulmiye Badaluu,”Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.