BASASHA WAXAA LAGA SAMAYN KARAA CABBITAAN DAWO AH (Q.1)

Shabakadda Bold Sky oo Arrimaha caafimaadka wax ka qorta ayaa dhowaan faafisay Warbixin caafimaad oo tilmaamayso in basashu ay qani ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, caabuqa iyo bakteeriyada. Sida oo kalana ay hodan ku tahay Faytamiinnada A, B, C, Asiidhka Foolik iyo macnado ay ka mid yihiin calcium, phosphorous, magnesium, sulfur, chromium iyo iron.

Marka aynu soo ururinno faa’iidooyinka tirada badan ee basasha waxaa ka mid ah:

1. DHIMISTA MIISAANKA
In qofku uu maalin kasta qaata 100 ml oo sharaab basala ahi muddo siddeed toddobaad ah waxa uu si weyn u yareeyaa dufanka ku urrua caloosha iyo dhexda, waxa aanu yareeyaa heerka kalastaroolka dhibaatada keena.

2. LA DAGAALANKA XANUUNNADA WADNAHA
Basasha oo sharaab ahaan loo isticmaalaa waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga oo sababa in xididdadu xidhmaan, waxa aanu caawiyaa in halbawleyaasha dhiiggu aanay adkaan.
Sida oo kale waxa ay caawisaa hoos u dhigista heerka asiidhka ‘Homocysteine’ taas oo ka hortagta in wadne xanuunku uu goor hore meel sare ku gaadh oqofka.

3. XANUUNNADA INDHAHA
Sharaabka basashu raadad badan oo togan ayaa uu ku leeyahay daweynta caabuqa guud iyo xanuunnada indhaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin ‘Conjunctivitis’ (Daafka ama indha guduudka) iyo xanuunka indhaha ololka iyo bararka ku keena ee ‘Blepharitis’.

4. DAADASHADA TIMAHA
Muddo laba bilood ah oo maalin kasta madaxa la mariyo muudka basasha, iyada oo marka hore la dhukurayo waxa ay timaha ka ilaalisaa daadashada, sidaas awgeed waxa ay ka hortag fiican u noqon kartaa bidaarta.

Waxa Diyaariyay Kamaal Marjaan