BARNAAMIJKA GUULAYSTAYAAL GEEDDIGA WADAAY-WADAAY QEYBTIISA 4-AAD

Dhugta Oo U Dhaga-Nuglaada Kuna Dhaqma 100-ka Qodob Ee Ka fog Siyaasadaha Ee aynu Ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo U Hagar-Baxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.

Qodobka 7-aad: Habaarka Iyo Cayda Carruurta Lagu Yidhaahdo

Sidaynu ognahay, habka uu u dhaqmayo  binu Aadamku wuxuu qeyb-laxaad leh ka qaataa, in la helo horumar dhinac walba leh. Waxaanu ka soo unkamaa hadba sida loo wajaho jiilasha markaa jooga in la dhiso maskaxdooda, dhaqankooda iyo kartida ay u yeelan karayaan inay isbeddel wanaagsan samayn karaan.

Qormadeenan manta waxaynu ugu talo-gallay, inaynu ku eegno saamaynta taban ee ay ku yeelan karto ubadka amma carruurta qaabka xun ee loola dhaqmo marka ay soo korayaan amma waqtiga ay la qabsanayaan bulshada ay ku dhex nool yihiin. Ugu horrayn, bal aynu in yar ka hallacsanno waxyaalaha aanay haboonayn in lagula dhaqmo carruurta hadday noqoto Waalidka dhalay, Macallinka wax u dhigaya, ainta ku xeeran ee u dhow iyo bulshada ay ku dhex nool yihiinba. Waxa marag ma doon ah, inay qaar badan oo inaga mid ahi si xun u habaaraan oo ay u cayaan carruurta, iyagoo is leh canaanta si uu ilmuhu uga joogsado edeb-darro ay ku arkeen. Laakiin, sidaasi sax kuma aha habka ilmaha looga joojinayo edeb-darro uu samaynayo.

Ereyada xun-xun ee aynu u isticmaalno carruurta marka ay wax qaldan sameeyaan waxa ka mid ah: Dhulku kula go’, Afka-gooso, Inkaari kugu dhacday, Qeyrkaa ka hadh iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale, qaar badan oo inaga mid ahi ereyada cayda ah ee ay u isticmaalaan waxa ka mid ah ha u badnaadeen ragguye, Baastar, Diyuus, Wasakh, Ey, Garac, Xaaraami, Naanaab iyo qaar kaloo badan.

Dhammaan ereyada aynu kor ku sheegnay waxay ka turjumayaan hab qaldan oo wax loogu sheegayo amma lagu edbinayo amma loogu cadhoonayo ilmaha carruurta ah. Waxaanay bar madow ku yihiin maskaxda ilmaha soo koraysa, ee loo baahnaa inay maqasho hadallo dhiirigalin ah amma wanaagsan oo kobciya. Laakiin haddaynu sidan ula dhaqanno carruurta waxay keenaysaa, inay u qaataan waxani inay yihiin wax iska caadiya, oo ay sidaasi ku noqoto wax iska caadiya oo midba midka kale kula sii dhaqmo carruurta.

Maxaynu u baahanahay si aynu u helno Maamul-wanaag laga dhaxlo jiilba jiilka uu ka dambeeyo.

  1. In si asluubaysan carruurta wax loogu sheego.
  2. Inaynu si ixtiraam ku jiro ula hadalno carruurta markasta, si ay ula qabsadaan inaad ixtiraam ku wada noolaataan qoys ahaan, hadhowna ay sidaasi dadka u ixtiraamaan, oo qofka weyni ka yar u naxariisto ka yarina ka weyn u ixtiraamo.
  3. Inaynu carruurta ula hadalno si deggan oo ay cadho ka madhan tahay, si maskaxda carruurta yar-yari u kobocdo loogana ilaaliyo inay ku mashquusho cadho iyo isku buuq badan halkaasna ay kaga hadhi karaan ubadka kale ee ay nolosha ku tartamayaan.
  4. In carruurta loo tababaro habka fiican ee loola dhaqmo dadka guud ahaan gaal iyo muslimba, si ay u bartaan nidaamyada ay habboon tahay in lagula macaamilo dadka ay ku dhex nool yihiin. Inkasta oo ay aad masuul uga sii yihiin waalidka dhalay iyo waalidka labaad oo macalinka ah.
  5. In loo sheego carruurta wax kasta oo wanaagsan oo carruurtu kula jaan-qaadi karto horumarka bulshada iyo dalka ka socda, isla markaana in carruurta laga waaniyo wax kasta oo wax yeeli kara mustaqbalkooda iyo mustaqbalka waddanka loona jiheeyo dhinaca wanaagasan.
  6. Ubucda qormadeenan oo ah, in laga daayo carruurta soo koraysa habaarka oo laga yaabo amma ay u dhowdahay in laga aqbalo waalidka amma dadka waa weyn, maadaama ay xaq badan ku leeyihiin. Taasina ay saamayn karto mustaqbalkooda iyo mustaqbalka dalkan inay u soo baxaan dad wanaagsan oo ku hagga maamul-wanaag. Sidoo kale, waxa laga yaabaa inay samadu furan tahay oo laga aqbalo habaarka lagu samaynayo carruurta.
  7. In carruurta laga daayo cayda, maxaa yeelay ilmuhu wuxuu qaadi karaa cuqdad nafsi, oo waxay saamayn taban ku yeelanaysaa maskaxdiisa iyo dhaqanka bulshada uu ku dhex uumman yahay. Waxaanay si toos ah u waxyeelaynaysaa mustaqbalkiisa dambe iyo maamul-wanaaggii loo baahnaa in dalkan lagu hago, oo waxa soo baxaya dad aanay u kala soocnayn xumaanta iyo wanaaggu.

: Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email: Sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

La soco qeybaha dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.