Barnaamij lagu abaal marinayo Shakhsiyaadka la yimid Hal abuurka Ganacsi ee Haweenka oo Hargeysa lagu qabtay

HARGEYSA – (WARSOOR) –  Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha shaqo galinta iyo Maalgashiga ayaa magaalada Hargeysa ka furay barnaamijka hal-abuurka ganacsiga Haweenka.

Munaasibaddan  oo lagu daahfurayay barnaamijka hal abuurka ganacsiga haweenka ayaa waxa iska kaashaday wasaaradda shaqa galinta, iyo hay’adaha OXFOM, iyo INNOVATE VENTURE.

Waxaana barnaamijkaasi loogu tala galay inay ka faa’iideystaan haweenka leh hal abuurka ganacsi. Kuwaas oo fikradahooda ay maal gelindoonaan hay’adaha OXFOM, iyo INNOVATE VENTURE.

Waxa halkaasi ka hadashay Filsan Cali madaxa barnaamijyada hay’adda  INNOVATE VENTURE. Waxayna sheegtay in muddo bil lagu soo xaraynayo codsiyada ku aaddan maalgellinta ganacsiga haweenka iyadoo intaa ku dartay in la siinayo tababaro kor loogu qaadayo xirfadda haweenka ee dhanka ganacsiga kadibna lagu dhawaaqi doono cidda ku guuleysata maalgelinta ganacsi bisha 3-aad.

Haweenka loo meel gelinayo ganacsigooda iyo xubno dhalinyaro ah oo  hore uga faa’iideystay maal gelinta ay bixiso hay’adda INNOVATE VENTURE. Ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay maal gelinta ganacsiyada kala duwan.

Gabo gabadii Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha shaqao galinta iyo Maalgashiga Cabdirashiid Ibraahin Sh. Cabdiraxmaan iyo marwo Deeqo Cabdi Yuusuf ayaa sheegay xukuumad ahaan inay soo dhawaynayaan in la maalgeliyo haweenka reer Somaliland ee la yimi hal abuurka ganacsi.