Barmaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay Waday Qeybtiisa 4-Aad

Dhugta Oo U Dhaga-Nuglaada Kuna Dhaqma 100-ka Qodob Ee Ka fog Siyaasadaha Ee aynu Ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo U HagarBaxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.

Qodobkii 4-aad: Mar-Marka  Waddanka la keeno Iyo Waxyeeladiisa.

Sida la og yahay, marka Waddan uu  soo maro Colaado iyo Dagaalo sokeeye, waxa laga dhaxlaa colaadahaasi khasaare naf iyo moodba leh iyo khasaare kale oo ay ka mid yihiin waxyeelooyin soo gaadha Dhaqanka, Tacliinta, Dhaqaalaha, iyo fikirkii,Maskaxdii Bulshadaasi iyo sidoo kale Nidaamkii Dowladnimada oo meesha ka baxa I.W.M. Waxaanay ku qadata Waddankaasi inuu ka soo kabto waxyaalaha uu ka dhaxlay Dagaaladda iyo Colaaddaha muddo dheer.

Ilaahay Mahaddii, inagoo (Somaliland ) ka mid ahayn waddamadda Colaaladaha iyo Dagaaladda ka soo baxay, ilaahayna inagu guuleeyey inaynu markiiba hannano  Haykalkii Dowladnimo  ee lagama maarmaanka ahaa iyo waxyaalihii Aas-aasiga u ahaa Nolosha, isla markaana aynu ku guulaysanay waxyaallo badan oo horumar ah marka loo eego Waddamada kale  ee Colaaduhu ka dhacaan, iyado ay ad u yareed in aynu helo cid aynu ku tiirsaneyn oo Gacan joogta ah inoo fidisay hirgalinta Hannaanka Dowladnimo ee Maanta lagu naaloonayo.

Haddaynu u soo dadagno ujeeddada Qormadeenan Maanta, Sida ay badankeenu og nahay, Ganacsiga Waddankeena wixii dibadda laga keenayo iyo khayraadka gudahaba, waxa jira Xeerar iyo Shuruuc qeexaya sida loo ganacsanayo iyo waxa laga ganacsan karo iyo waxa mabnuuca ah, taasna waxa u xil saaran laamo Dowladda oo ay ka mid ah sida Wasaaradda Ganacsiga . Sidoo kale, waxa jira Xeerar qeexaya Tayada waxa laga ganacsanayo iyo sida bulshada looga badbaadin karo wax walba oo dhibi ka soo gaadhayso, laakiin waxa muuqata in dhammaan Xeerarkaas badankoodu ay Ganacsatadu baal-mareen, oo galdaloolooyin  faro badan ka jiraan. Waxaana Fursadaasi ka faa’iidaystay qaar badan oo ka mid Ganacsatadeena, oo isku dayey inay keenaan waxyaallo badan oo aad Tayadoodu u liidato, Dadkana waxyeello u soo jiidaya, iyago eegaya kaliya faa’iido deg-deg ah inay sameeyaan, isla markaana uu meesha ka baxay Damiirkii iyo Dacadnimadii ku hagi lahaa inay Dadkooda u Diir naxaan.

Sida aynu ka warqabno, waxyaalaha la keeno Waddankeena Waqtigan waxa ka mid ah Mar-Marka Dhulka iyo Gidaradda la dhigo, oo waxa lagu beddelay Sibidhkii Daradda iyo Qoloka Gudaha la dhigi jiray. Waxana ad badankiinu igu wafiqikartan in marka horeba aynu sameysan karno Warshado yaryar oo inoo sameeya Marmarka, iyadoo aynu Buuraheena iyo Ciideenaba ka helayna Macdanta laga sameeyo Marmark. Waxaynu ku qasbanahay, inaynu ka wada foojignaano waxan aad Guryaheena aynu ku qurxinayno ee khasaare inoo keeni kara. Haddaba, inagu Dal iyo Dadahaanba ahaanba kama aynaan fikirin arrintaasi, laakiin waxa la keenaa waddankeenna Mar-Marka Dhulka la dhigo oo aad Tayadiisu  u  hoosayso una liidato. Waxaana maalin walba dhacda waddankeena in dad ay ku dhintaan amma ku jajaban amma ku naafoobaan, gaar ahaan Dadka  waa Weyn oo ku waxyeelooba marka ay musqulaha ku maydhanayaan ama ay Daarada ku weysanayan, Waana Waxyeelooyin joogta ah, oo Maalinba maalinta ka dambaysa ku sii badanaya waddankeena Gobol kasta.Sidoo kalenaa uu Marmarkaasi yahay mid Qolsal  ku Jab ah oo aan Cimri Dheer aan laheyn,gaarahaan ka dhulka la dhigo.

Haddaba, Iswaydiintu waxay tahay, waa maxay Mudashada Dhibta iyo khasaaraha Mar-Marka Dhulka la dhigaa keeno oo Waddankeenu, oo Boqolaal qof ku waxyeeloobaan  iyo Wax ka qabad la’aanteeda. Jawaabtu waxay sida kuwa badan oo inaga mid ahi ay garawsan yahiin, inay tahay Xagal Daac ku imanayaa Xooggii dihnaa ee wax-soo-saarku ku wajahnaa, iyadoo oo uu gaabis ku imanayo horumarkii waddanka. Sidoo kale, Daawaynta qofka ku jaba Mar-marku waxay inagu kacaysa  kharash badan oo lacag adag ah, oo aan imika aynan dabooli karayn baahida Dawooyinka iyo Qalabka dadkaasi u baahan yihiin. Sidoo kale, Xanaanaynta iyo Dhowridda Qofka Buka waxay ku qadanaysaa waqti badan oo uu uga faa’iidayn lahaa  waddanka iyo naftiisaba qof hawshaasi gudanaya. Ta labaad waxa dhibaatadaasi keenay baal-marka Maamul-wagnaagii  xakamayn lahaa Tayada Mar-Marka Waddanka  la keenayo, oo joojin lahaa kan khasaarihiisu badan yahay, isla markaana ku khasbi lahaa Ganacsatada inay keenaan  Mar-Marka Xanafta leh ee ka Dowada u ah Simbiriraxashada ay Dadweynuhu ku jaban ama lafaha,Murugayada khatar ku soo gaadhsiiya. Sidoo kale, Maamul-wanaaggaasi wuxuu Ciqaabi lahaa Ganacsatada Arxan-layaasha  ah ee Waddanka ku soo daabulaya wax kasta oo aan faa’iido lahayn khasaare mooye, inkasta oo ay jiraan Ganacsato badan oo Waddanka u naxa oo keena wax faa’iido leh, isla markaana waxa kor soo mari lahaa Ganacsatada Dadkooda u naxa, oo keeni lahaa Mar-marka  Adduunka laga isticmaalo ee Tayadiisu fiican tahay ee lagu badbaadayo.

Dhinaca kale, Maamul-wanaagga aynu garab marnay waxay keentay, inay bulshadiina iska indho tirtay inay sameeyaan olole amma dedaal lagu joojinayo Mar-marka waxyeeladda leh. Maxaa yeelay waxay iska kaashan karayeen  dadkii ku waxyeeloobay iyo kuwa kale ee daneeyayaasha ahaba, in ay ku khasbaan laamaha Dowladda ee ay khusayso in Ganacsatada Maangaabka ah, ee aan danaynayn Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadada inay joojiyaan Mar-marka nooca xun ee aynu kor ku soo sheegnay khatartiisa.Sidoo kale Dumarkeena inta ladan ee Guryahooda dhigta Marmarka dhibta soo jiidaya inay uguna ka tagen  Roogagii  la  dhiga jiray qolqolka ee lagu wada dhameys jirjiray Qolqolka intii loo awoodi jiray,waxnay ka gabiyen in dhigan Masqulaha Rabadho ama Cagag shandho ah oo loogu talo galay ka badbadinta Sinbiraxashada oo an lacag jaban lagu helo.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa qodobkan Mar-Marka Iyo Waxyeeladdiisa, oo ka mid  ah 100 Qodob oo aanay waxba inagu kacayn in wax laga qabto oo habayaraatee hal Centina inagu kaceyn Kaasi oo ah ku toosnaanta Maamul Wanaag. Waxaan u soo jeedinayaa bulsho waynta Reer Somaliland inay iska kashadan wax  kasta oo hagaajinaya danaheena guud iyo ta gaarka ahba,ee ay ka mid yahiin Diinteena iyo dhaqankeena.

F.G. Gaar ah.Waxa ka reeban maqaalkan sidii ad iiga barteenba waxa kasta Shakhsiyad,Koox iyo Reer ku lug leh oo uu yahay oo kaliya Danteena guud…La soco

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Nuur Email:sulub20@hotail.com Tel:26781

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.