Barlamaanka Afrika oo u doortay Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad Gabadh Soomaaliyeed

Johannseburg – (warsoor) – Shirka Pan African Parliament ee ka qeybalaya Xildhibaanada Barlamaanka Afrika ee fadhigooda yahay Magaalada Johannseburg ee K/Afrika oo sanadkan doorashada Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Barlamaanada Afrika ka dhacayay ayaa waxaa ku tartamayay Laba Xildhibaan oo kala matalayay Wadamada South Sudan iyo Jabuuti oo lagu kala magacaabo  Charles Majak iyo Safia Elmi Jabril,waxaana kulanka Xildhibaanada soo xaadirayay mudanayaal gaaraya ilaa 140 Xildhibaan.

Codeynta kadib ayaa waxaa doorashada ku guuleystay inay noqoto Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Barlamaanka Afrika Marwo Safia Elmi Jabril oo kasoo jeeda Dalka Jabuuti iyadoo kaga guuleystay codad gaaraya 105 cod.

kanaava1Xildhibaanad Safia oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay xilkan cusub ee loo doortay, waxa ay u mahadcelisay dhamaan dadkii taageerada siiyay gaar ahaan Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismail Cumar Gelle.

“Waxaan halkaan ugu mahadcelinayaa Xildhibaanad gacanta iga siiyay in la I doorto iyo sidoo kale Dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweyne Ismail Cumar Geelle iyo marwadiisa oo isagu si gaar ah u taageero inay haweenka kasoo muuqdaan jagooyinka ay hayaan”.

Xildhibaan Cabdi Casiis C/laahi Maxamed (Cabdi Xukun ) oo matalayay Xilbaanada Soomaaliya ayaa isagane dhankiisa sheegay inay tahay guul u soo hoyatay Mudanayaasha kasoo jeeda Gobolka Afrikada Bari in la doorto Safia Elmi Jabriil.

“Maanta waxey ahayd maalin weyn oo Umadda ku hadasha Afka Soomaaliga u soo hoyatay waxaan u ololeynay gabar walaasheena ka mid ah gabdhaha Jabuuti Barlamaanka Afrika inay guuleysto walaaleheen Jabuuti iyo Umadda Afka Soomaaliga ku hadasha”,  ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Xukun.

Sidoo kale waxaa boogaadin  taa la mid ah u jeediyay Gudoomiyaha labaad ee Barlamaanka Afrika Xildhibaanada kala matalayay Wadamada Kenya iyo Ethiopia.

Xildhibaan Bilow Kerow oo ka  mid ah mudanayaasha matalaya Dalka Kenya iyo Xildhibaanad Saxarla Cabdullaahi oo matalaysay Ethopia ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo guusha ay gaartay Xildhibaanad Jabuutian ah.

Todobaadkii hore ayaa waxaa guul sidan kale ka gaaray doorashada Wadamada Bariga Afrika inuu xilka Gudoominimada qabto Xildhibaan Cabdi Xukun oo matalayo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

WD C/qaadir Axad

Johannseburg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.