Bariga Dhexe: Erdogan oo booqanaya Sacuudiga, ma isu soo dhawaan doonaan labada waddan?

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa Khamiista maanta u socdaali doona dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmi doono Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan. Xukuumadaha Ankara iyo Riyaadh ayaa bilihii dambe waday dedaallo ay isugu soo dhawaanayaan kadib dhowr sano oo uu xiriirkooda gaaray meel adag.

Xiriirka labada waddan ayaa xumaa tan iyo markii sanadkii 2018 ay koox khaarajinta qaabilsan oo Sacuudi ah ay gudaha qunsuliyada dalkaas uu ku leeyahay Istanbul ay ku dileen weriye Jamaal Khashoggi.

Xukuumadda uu hogaamiyo Erdogan ayaa xilligaas ku eedaysay madax Sacuudi ah oo uu kamid yahay Maxamed bin Salmaan inay ku lug lahaayeen khaarajinta weriyaha, waxaana uu Turkiga furay dacwad ku aaddan kiiskaas.

Sacuudiga oo ka carooday qaabka uu Turkiga u wajahay kiiska ayaa billaabay inuu xayiraad aan rasmi ahayn saaro badeecadaha ay Ankara u dhoofiso Boqortooyada.

Wanaajinta Xiriirka

Turkiga ayaa sanadkii 2020 billaabay dedaallo u uku wanaajinayo xiriir xumaaday ee kala dhexeeya waddamada Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo Sacuudiga. Turkiga ayaa sidoo kale kaalmo dhaqaale weydiistay waddamo ku yaalla Khaliijka Carabta xilli sicir bararka iyo qiimaha sarreeya ee tamarta ay culays weyn saareen waddankaas.

Bishii la soo dhaafay, Sacuudiga ayaa ka codsaday Turkiga inuu ku wareejiyo kiiska dilkii Khashoggi oo ka socday dalkaas, waxaana bishan ay Ankara aqbashay codsigaas iyadoo kiiska ku wareejisay Riyaadh.

“Madaxweyne Erdogan waxa uu Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan kala hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin dhaqaalaha, maalgashiga, xaaladda gobolka iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka hareeyay xiriirka labada waddan,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga oo la hadlay wakaaladda Reuters.

Maxamed bin Salmaan

Maxamed bin Salmaan, ayaa waraysi uu dhawaan siiyay wargeyska the Atlantic waxa uu ku sheegay in dilkii loo geystay weriye Jamal Khashoggi uu ahaa dhacdadii ugu xumayd ee abid soo marta.

Amiirka ayaa beeniyay inuu amray dilka weriyahaas oo rag ka tirsan laamaha ammaanka ee Sacuudiga ay October 2018 ku dhex khaarajiyeen qunsuliyadda ay Boqortooyada ku leedahay magaalada Istanbul.

Dilka weriyaha oo lagu eedeeyay dhaxal sugaha – hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA na ay sheegtay inuu isaga amray – ayaa waxaa ka carooday dalal badan iyo hay’adaha u doodda xuquuqda adaanaha.

“Waan dareemi karaa carada ay weriyayaasha ka qaadeen dilka [Khashoggi], waana ku ixtiraamayaa dareenkaas. Balse dhibaato iyo xanuun ayaa inaguba naga soo gaartay geeridiisa,” ayuu bin Salmaan u sheegay wargeyska.

The Atlantic ayaa sheegay in laba qof oo amiirka u dhaw ay u sheegeen in bin Salmaan uu dareemay in “arrinta Khashoggi ay ahayd tii ugu xumayd ee soo marta abid, isla markaana ay wiiqi kartay qorshihiisa oo dhan.”

Dhaxal sugaha ayaa waraysiga ku sheegay in lagu xadgudbay xuquuqdiisa oo lagu tilmaamay inuu yahay dembiile isaga oo aanay xukumin maxkamad. Waxa uu sheegay in dad galay dembi waaweyn, sida duqeynta aroosyo ka dhacay Afghanistan ama tacaddiyada loo geysto maxaabiista Guantánamo Bay aan sidaa loola dhaqmin.