Baraha Bulshadda iyo Saameynta Qofka Ay Ku leedahay

Waxa ugu badan casrigan ee uu aadamuhu waqti ku lumiyaa waa isticmaalka baraha xidhiidhka bulshada.
Baraha bulshada waa sababta koowaad ee kor u qaadday xiisaha loo qabo talefannada casriga ah ee qiimahoodu aadka u sarreeyo, waana sababta uu qof kastaa talefankiisa saacado badan ugu mashquulo, isaga oo aan ku hadlayn. Akhris, daawasho, sawirqaadis, qoraal iwm ayaa qof kastaa ku hawlan yahay saacado badan oo waqtigiisa ka mid ah, waxaana sabab u ah isticmaalaha baraha bulshada, oo ay ugu badan yihiin Instagram, TikTok, Facebook, Twitter, Youtube, Snapchat iwm.

Waxaa la aaminsanyahay in isticmaalka barahani ay hoos u dhigaan waxsoosaarka qofka iyo in uu waqtiga ku habboon guulo ka gaadho rumaynta yoolashiisa ama ka midho dhaliyo shaqada u taalla.

Haddaba shirkadda UPTIME oo laga leeyahay Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ururinayso diyaar u ah in ay iska masaxaan shabakadahaas, isticmaalkoodana ka dheeraadaan muddo laba bilood ah. Qof kasta oo dadkaas ka mid ah ayaa ay shirkaddu abaalmarin u siin doontaa 2000 oo doolar.
Ujeedada shirkadda ayaa ah in ay baadhis ku samayso waxa muddadaas kaddib, iska beddela shaqawanaagga, iyo waxsoosaarka qofka iyo sida oo kale caafimaadkiisa jidheed iyo nafsadeedba.

Qore: Kamaal Marjaan