Bankiga Dhexe oo Sharciyeeyay Adeegga EVC Plus

MOGADISHU โ€”  (WARSOOR) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta bixiyey liisankii ugu horreeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeegga lacagaha la iskugu diro telefoonnada ee Soomaaliyana looga yaqaano EVC Plus.

Liisankan ayaa la siiyey shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa adeegga telefoonnada. Tallaabadan ayaa rasmi ahaan u sharciyeynaysa adeeggan lagu magacaabo EVC Plus ee shirkadda Hormuud.

Munaasabadda lagu bixiyey liisanka ayaa ka dhacday Muqdishu, waxaana shatiga bixiyey Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Bixinta liisankan ayaa sidoo kale ka dhigan in adeegga lacagaha la iskugu diro telefoonnada uu yahay hannaanka koobaad ee lacagaha lagu kala gudbiyo gudaha dalka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale ka dhigan in isku-dirista lacagaha telefoonnada ay tahay mid sharciyeyntiisa ay hoos imanayso Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haaruun Macruuf ayaa arrintan ka waraystay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Adeegga EVC Plus ayay markii ugu horraysay soo bandhigtay shirkadda Horuud sannadkii 2011-kii.

War saxaafadeed soo baxay kadib bixintii liisankan ayaa lagu sheegay in shirkadda Hormuud Telecom ay haatan leedahay macaamiil dhan 3 milyan iyo 600 kun Soomaaliya gudaheeda ah, iyadoo 3 milyan oo ka mid ah macaamishaas ay istciaalaan adeegga EVC Plus.