Bandhiga Carwadii 8’aad Ee Ganacsiga Somaliland Oo Hargeysa Lagu Soo Gabagabeeyey

Hargeysa – (warsoor) – Bandhiga Carwadii 8’aad ee Ganacsiga Somaliland oo Guleed Hotel Hargeysa ka socotay 9-15 December 2018 ayaa si rasmiya loo soo gabagabeeyey.
Carwadan oo ah mid sanadkiiba hal mar Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland ku qabato Hargeysa, ayaa ahayd tii 8’aad ee heer Caalami ah ee Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland soo qabanqaabiso, taasi oo sidoo kale ahayd tii ugu balaadhnayd uguna muga weynayd ee abid lagu qabto Somaliland.
Carwadan oo ay kasoo qayb-galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Ganacsatada Somaliland, ayaa mudadii ay socotay waxa lagu soo bandhigay, Ganacsiyo kala duwan iyo wax-soosaar cusub oo laga soo saaray gudaha Somaliland iyo guud ahaanba Ganacsiyada ka hanaqaaday Somaliland.
Munaasibadii lagu soo gunaanadaayey Carwadan 8’aad ee Caalamiga ah oo ahayd madal si mugle loo soo agaasimay , Ayaa waxa ugu horeyn Mahadnaq balaadhan kasoo jeediyey mulkiilaha Guuleed Hotel Md. Cali Cumar Guuleed oo isagu martigaliyey qabsoomida Carwadan sanadlaha ah oo sanad walba lagu qabto hotelkiisa.
Masuuliyiin kala duwan oo ku hadlaayey afka shirkadihii kasoo qayb-galay Carwadan 8’aad ayaa Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland iyo Mulkiilaha Guuleed Hotel si wada jira ugaga mahadnaqay hirgalinta iyo agaasinkii carwada ay ka gaysteen iyo sida ay u hagaayeen mudadii ay socotay Carwadu.
Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland, Md. Jamaal Caydiid oo isna gunaanadkii Xaflada madasha ka hadlay ayaa waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Shirkadihii iyo Ganacsatadii Adeegyadooda iyo waxsoosaarkooda kusoo bandhigay Carwada, Isagoo sidoo kalena u mahadnaqay Bulshadii tirada badnayd ee mudadii Carwadu socotay soo camirtay ee ka adeeganaysay Carwada.
Xafladan lagusoo xidhaayey Carwada 8’aad ee Ganacsiga Somaliland ayaa waxa Abaalmarino lagu gudoonsiiyey shirkadihii sida weyn uga qayb-qaatay bandhigii Carwada.
Gunaanadkii munaasibada ayaa waxa soo afmeeray Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md.  isaga oo Hogaanka , Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland iyo Ganacsatadii kasoo qayb-gashay Carwada ku bogaadiyey hirgalinta iyo qabashads Carwadan 8’aad oo uu ku tilmaamay inay tahay halbeeg lagaga qiyaas qaadan karo heerka horumarka tisqaaday ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.