Banaanbax lagu taageerayo Ra’iisal wasaaraha cusub oo saaka ka socda Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa saaka ka bilaabmay magaalada Muqdisho banaan bax balaadhan oo lagu taageeraayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee la magaacay Khamiistii.

Banaanbaxa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana wadooyinka isugu soo baxay dadweyne tiro badan oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhagyo lagu taageeraayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

Dibadbaxayaasha ayaa socod ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaanay isuguuruuraya fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo la filayo iney goor dhow khudbado ka jeediyaan masโ€™uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xubno afka dadweynaha ku hadla.

Madaxda maamul goboleedyadda, dadweynaha iyo wax garadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu riyaaqay magacaabista Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.