Badi Culimadii Wacdiga Ka Akhriyi Jirtay Warbaahinta Dawladda Oo Laga Joojiyey

HARGEYSA – (WARSOOR)- Culimo badan oo barnaamijyo wacdi ah kasii dayn jiray warbaahinta Dawladda Somaliland, ayaa laga joojiyey.

Sheekh Maxamed macalin Cabdi Carab, ayaa warbaahinta u sheegay in uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Albaani amarkaasi bixiyey.

Sheekh Carab, ayaa sheegay in isaga iyo culimida laga joojiyey wacdiga warbaahinta Dawladda oo ay ka mid yihiin isaga iyo sheekh Ismaaciil Dheeg, ay wacdiga ka akhriyi Jireen Raido Hargeysa muddo sodon sanno ka badan.

Sheekha, ayaa sidoo kale sheegay in uu Wasiir Albaani Wasaaradda warfaafinta keenay liis kale oo Culimo ah oo uu amray in lagu bedeli iyaga, waxanuu Yidhi

“Waxa naloo sheegay in uu Wasiirka Diinta iyo awqaaftu keenay liis Culimo ah oo Yidhi kuwaas ayuunbaa wacdi ka akhriyi Kara warbaahinta Dawladda, illaa Shan iyo sodon sanno ayaan wacsiga ka akhriyayey Radioga Aniga oo duruufo adag kusoo shaqeeyey, mana garanayo Sababta arrintan keentay” Aya ka mid ahaa Nuxurka hadalkiisa oo uu shekhu u sheegay Sahantv