Badhasaabka Maroodijeex oo ka Hadlay Khasaarihii ka Dhashay Roobkii ka Da’ay Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Jaamac Xaaji Axmed, ayaa sheegay in roobkii shalay ilaa xalay ka da’ay Hargeysa uu qaaday Gaadiid tiro badan. Badhasaabka Maroodijeex wuxuu sheegay in geerash ku yaalla dooxa Qarkiisa uu daadkii galay qaaday gaadiidkii dhex yaalay.

Waxa kaloo Badhasaabku sheegay in Ciidamada ammaanku ay daadka ka badbaadiyeen 172 qof iyo saddex baabuur.

Badhasaabka Maroodijeex wuxuu Gaadiidleyda ugu baaqay in aanay haligin dadka ay sidaan oo aanay dooxyada ku dhex Tuurin marka daadku socdo. Badhasaabka Gobolka Maroodijeex wuxuu u mahadceliyey Ciidamada ammaanka oo heegan u galay badbaadinta  dadweynaha.