Badhasaabka Gobolka Togdheer oo Ka Hadlay Mudaharaad Ka Dhacay Magaaladda Burco

Burco – (warsoor) – Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim ayaa ka hadlay mudaharaad ka dhacay magaaladda Burco oo ay soo abaabuleen dad ka soo horjeeda dad loo xukumay weerarkii lagu khaarajiyey taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Saaxil.

Waxaa maanta magaaladda Burco ka dhacay mudaharaad balaadhan oo socday muddo yar oo kooban waxaanu hakad galiyey dhaqdhaqaaqa suuqa iyo gaadiidka ee magaaladda. Ciidamada amaanka Somaliland ayaa kala eryey dadkii mudaharaadaayey, waxaanay xaaladda magaaladu ku soo noqotay sidii caadiga ahayd.

qabo

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo ayaa ka hadlay weerarkan dhacay iyo talaabooyinka ay qaaday xukuumaddu.

Gudoomiye Maxamed Ibrahim Qabo oo ka hadlaya mudaharaadka dhacay ayaa yidhi, “Rabshada yar oo la soo abaabulay dhalinyaro yaryar iyo dumar ayaa ka dhacay magalaadda. Abaabulkaas cid baa ka dambaysay, ciddii ka dambaysay qaar ka mid ah gacanta ayaanu ku haynaa waanu soo qabqabanay”.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa baaq u diray waalidiinta iyo shacbiga gobolka Togdheer waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan uga sheegaynaa dadweynaha reer Burco nabad-galyaddu waa qaali waa saldhiga nolosha, wax aynu badalanaynaa ma jirto. Cid dan leh yaanay dawladiina iyo dadkiina idinka horkeenin”.

Mudaharaadkan maanta ka dhacay magaaladd Burco ayaa xidhiidh la leh, xukuno dil iyo xadh ah ay dhawaan riday maxkamadda ciidamadda Somaliland ee lagu xukumay dad lagu eedeeyey inay qayb ka ahaayeen dilkii lagu khaarajiyey taliyihii hore ee ciidamada boolis ee gobolka Saaxil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.