Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Gebiley Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Guddoomiyaha Cusub Iyo Guddoomiyihii Hore Ee Degmada Agabar

Gabiley – (warsoor) – Badhasaab ku xigeenka gobolka Gebiley ayaa xilkii u kala wareejiyey guddoomiyihii hore ee degmada Agabar iyo guddoomiyaha cusub ee degmadaas dhowaan loo magacaabay.

Waxa goobta ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyihii hore ee degmada Agabar iyo guddoomiyaha cusub ee degmadaasi iyaguna ku sugnaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka Gebiley, ka degmada Wajaale ,Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska ee gobolka Gebiley, xildhibaano,odayaasha degmada Agabar,dhalinyaradda degmadaas, haweenka degmada iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horeyn waxa munaasibadan xil wareejinta ahayd ka hadlay odayaasha degmada Agabar oo soo dhoweeyey guddoomiyaha cusub ee degmadaas loo soo magacaabay iyo xoghayaha cusub ee degmadaas, sidoo kalena sii sagootiyey guddoomiyihii hore ee degmadaas iyo xoghayihii hore ee degmadaas,waxaanay uga mahadceliyeen wax qabadkii ay degmadaas ka hirgeliyeen iyo siday dadka ugu shaqeeyeen mudadkii ay xilka degmada hayeen, iyaga oo balan qaaday in ay la shaqayn doonaan.

Waxa iyaguna munaasibadaasi hadalo kala duwan ka jeediyey isu duweyaasha wasaaraddaha kala duwan ee Somaliland ee gobolka Gebiley, kuwaas oo usoo jeediyey dadweynaha reer Agabar in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha iyo Xoghayaha cusub ee degmadaas loo magacaabay.

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyihii hore ee degmada Agabar Axmed Aadan oo ka warbixiyey waxyaalihii u qabsoomay intii uu xilka degmadaas hayey, waxaanu u mahadceliyey maamulka dawladda hoose ee degmada Gebiley oo uu sheegay in ay wax badan la qabteen.

Waxa iyaguna goobta xil wareejinta ka hadlay Guddoomiyaha iyo xoghayaha cusub ee loo magacaabay degmada Agabar ee gobolka Gebiley ,iyaga oo balan qaaday in ay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha ka jira degmada Agabar.

Ugu dambayna waxa goobtaas ka hadlay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Gebiley iyo Badhasaab ku xigeenka gobolkaas, iyaga oo balan qaaday in ay la shaqayn doonaan guddoomiyaha iyo xoghayaha cusub ee degmadaas loo magacaabay, isla markaana xilka la wareegay, waxaanay bulshadda degmadaas kula dardaarmeen in ay gacmaha isu qabsadaan wax qabad, isla markaana ay la shaqeeyaan guddoomiyaha iyo Xoghayaha cusub ee degmada.