Baarlamaanka oo codka kalsoonida ah siiyay Xukuumadda cusub

Muqdisho – (warsoor) – Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto muddada afarta sano ee soo socoto, waxaana uu baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan Golaha Wasiirada oo arrimahan fulin doono.

Kulanka Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Cabdiwali Muudeey ayaa waxaa soo xaadirtay 241 mudane, waxaana codka kalsoonida ah siiyay 224, 15 mudane waa ay diideen, waxaana ka aamustay labo mudane,  sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiwali Sheekh Muudeey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa isla goobta ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dhaarinta kadib hadlay ayaa golaha shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay ku siiyeen barnaamijka Xukuumadda ee afarta sano iyo golaha Wasiirada cusub, waxaana uu u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa Xildhibaannada golaha Shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah ay u siiyeen Golaha Wasiirada cusub.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.