Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada afarta sano ah

Muqdisho – (warsoor) – 20 ka August  maanta oo kale sanadkii 2012  ayaa  barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada jira loo dhariyey  in ay noqdaan golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya  4 sano ka hor.

Kulanka ay maanta  ku yesheen  magalaada Muqdisho ayey ku soo bandhigeen waxyabhii u qabsoomay ee ay ka dhexli doonaan  ama  ay ku wareejin doonaan  Barlamaanka 10aad ee ee soo socda.

baarlamaanka-soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  oo furitaanka  kulanka maanta ka jeediyey hadal kooban ayaa  cadeeyey in Barlamanaka  9aad ay sii jirayso xilhayntooda ilaa laga soo dhisayo golihii badali lahaa, sida ku cad qararkii golaha shacabka  ay meel mariyen  ee lagu badalay  Qodobka 61aad ee Dastuurka  KMG oo ka hadlaysay Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka.

Mudane  Mahad Caballa Cawad  Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa  Xildhinabada ka hor akhriyey  waxyabhii  ugu muhiimsanaa ee golaha u qabsoomay 4tii sano e ay jireen oo ay ku jirto xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo  hoy martida loogu talagalay in lagula shiro.

“4tii sano ee uu jiray baarlamaanka Federealka Soomaliya waxaa naftooda ku waayey weraro  argagxiso, iyagoo gudanayo waajibkooda shaqo  18 mudane Allah u naxriistee  iyo 8 ka mid ah shaqaalaha Barlamaanka” ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyeha barlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  Alle uga baryey in  uu janadii Fardowso ka waraabiyo xildhibaanada geeriyooday iyo shaqalaha  baarlamanka oo qaar badan oo ka mid ah  ay dishay gacanta cadowga argagxisada Al-shabaab.

Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo ah  golahii 9aad ee  Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa mudadii ay xilka hayeen waxa ay ku meel mariyeen ama  ku ansxiyeen  in ka badan 20 sharci oo muhiim u ah dalkeena xiligan ku jira ka soo kabashada burburkii , waxa ayna  diyaariyeen  sharuucyo iyo  agab ay ka dhexli doonaan baarlamanaka 10aad

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.