Baarlamaanka dalka oo ansixiyey heshiiska siyaasadeed ee doorashada heer Federaal

Muqdisho – (warsoor) – Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayey ku meel mariyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka 2020/21-da, kaas oo hadda noqonaya sharci hab-raac u noqonaya doorashada heer Federaal ee soo socota.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo shir gudoominayey fadhigan wada-jirka ah ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta xildhibaanada, isagoo xusay in 252-mudane ay ogolaadeen, 2-mudane ay diideen, hal mudane oo kali ahna uu ka aamusay.

Baarlamaanka ayaa qodobada heshiiska raaciyey lifaaq ku aadan in la bayaaniyo qodobada qaarkood, lana raaciyo xeer nidaamiyeyaal fududeeya dhaqangalinta heshiiskan.

Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xildhibaanada labada aqal uga mahadceliyey sida ay dalka ugu jideeyeen habraac doorasho oo sharci ah, uguna raaceen madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada qodobadii ay ku heshiiyeen.

Heshiiskan siyaasadeed ayaa waxaa 17-dii bishan gaaray madxda dawladda FS, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ka dib wada-xaajood in muddo ah u socday.

Qorshaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabaneysa 01-November 2020 sida ku cad qodob kamid ah heshiiskaan ay maanta ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka dalka.