Baarlamaanka Cusub ee Somaliland oo Doortay Shir-guddoon Cusub

Hargeysa – (WARSOOR) – Waxaa maanta xarunta barlamaanka Somaliland ka dhacday doorshadadii shir-guddoonka cusub ee baarlamaankaasi hogaamin doono shanta sanno ee soo socota.

Tiradda xildhibaanada cusub ee soo xaadiray kalfadhiga 1-aad ee golaha baarlamaanka Cusub ayaa dhamaa 81 xildhibaan, waxaan golaha ka maqnaa 1 xildhibaan oo dalka dibadiisa ku maqan. Doorashadan oo uu shir-guddominaayey guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali.

Muddane Cabdirisaaq Cali Khaliif oo la tartamaayey muddane Maxamuud Saleebaan Faratoon ayaa kaga guulaystay 42 cod, halka uu Md. Faratoona helay 39 cod.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa ku tartamaayey Cumar Jaamac iyo Siciid Mire Giirre, waxaana guushu ku raacday Siciid Mire oo helay 41 cod, halka Cumar Jaamacna uu helay 42

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Wakiillada waxa u tartamaayey guulaystay Cali Xaamud Jibriil oo helay 43 cod, halka Cabdinaasir Cismaan (Qodax) uu helay 38 cod.